Malla Joogaa waqtigii talada Habaryoonis dib loo eegi lahaa ?.

Beesha Siciid Garxajis loona aqoon ogyahay Habar-yoonis oo ah beel degta Somaliland guud qaybo badan oo ka mid ah iyo xataa ismaamulka Somali state ee Ethiopia, waxay lahayd saldanad ay hayeen qoys ka mid ah beeshaas oo loo yaqaanno Reer Caynaashe siiba Jifada Reer Sugulle tasoo soo taxnayd ilaa Labo qarni. Saldanaas oo markeedii hore lagasoo min guuriyey saldannada guud ee GARXAJIS Sheekh-Isaxaaq weiba reerka Ciidagale Jufadiisa reer guuleed Suldsaan waxaa lasoo weriyey in xarunteedu ahaan jirtey degsiimooyinka gobolka daadmadheedh dabeeto markii garxajis batey eek u fidey xeebaha ilaa Saylac, berbera, hargeysa in talo lagu gaadhey in Habaryoonis Saldanadddeeda loo madaxbanneeyo.

Haddaba Saldanadaas waxaa hayey ilaa intii la sameeyey beeshaas aan soo sheegnay waxayna lasoo jibaaxeen waqtiyo badan oo kala duduwan oo taariikhdoodu ay aad u badnaaneyso ka hadalkeedu kuwaasoo lahaa duruufahooda gaarka ah xumaan iyo samaanba. Waxaa haddaba manta aan joognaa qarnigii 21aad oo binu-aaadanku uu si xawli ah ugasii guurayo ku tiirsanaanta noloshii kaymaha inkastoo dhaqashada xoolaha iyo dhaqankii xeerka geedku weli ay yihiin kuwo aan Meesha ka wada bixin haddana waa xaqiiq in 1800-kii iyo 1900-kii sidii wax ahaayeen aaney manta ahayn. Waxaa haddaba muuqata inaaney ka fursaneyn in isbeddel lagu sameeyo Saldannada Habar-yoonis is beddel ku yimaaddo iyada laftirkeeda waayo may ahayn WAXYI soo degey in reer qudhi hayo weligeed. Waxaa kaloo is beddelka lagama maarmaan ka dhigaaya Reerkii CIMAAMADDU saarreyd oo aan sidii lagu yaqaanney ahayn beeshiina hoos ula degey oo talo xumo, sumcad xumo, jihayn la,aan ay qayrkood kaga hadheen la hortaagan. Waxaa kaloo guud ahaanba Beesha CAYNAANSHE XIRSI baho iyo sugulleba caado iyo dhaqan u noqotey arrimahan : 1. In dhexdooda muwaafaqo xumo iyo wax isu oggolaan la,aan ka jirto taasoo habaryoonis inteeda kale aaney la qabin. 2. In beeshii HY ay sumcaddeedii boog ku noqdeen oo aaney daacad u noqoneyn masiirka beesha iyagoo hungurigooda iyo dantooda u dhabar jebiya beesha oo cadowgood u jebiya. 3. In ay ku can baxeen iska dabo hadalka oo si fudud shilimmo loogu kaxaysan karo. 4. In nin waliba inaadeerkii uu doonayo inuu hog ku rido oo ay ku mashquulsanyihiin in nin waliba ka kale sharaftiisa burburiyo taasoo aaney beelaha kale ee HY lahayn. Waxaa haddaba yaab leh reer isagii isku mashquulsan oo shaadhadhka iska cal;aashanayaa wax ma hoggaamin karaa ?. Arrintani waa dood furan waana arrin waqtigiisii jooga.

Xasan Cabdi Yuusuf Hargeysa.

faraska1988@gmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker