Guddoomiyaha Golaha Wakiilada JSL oo furay kulan dadweyne oo loo qabtay xeerka sahaminta shidaalka

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada JSL Cabdirisaaq Khaliif Axmed ayaa maanta furay kulan dadweyne oo loo qabtay xeerka sahaminta shidaalka ee Somaliland.

Guddi Hoosaadka Deegaanka, Khayraadka Dabiiciga ah, wax-soosaarka iyo Tamarta ee Golaha Wakiilada JSL ayaa maanta kulan hawleed bulshada ah u qabtay Xeerka Sahaminta iyo soo saarista Shidaalka qaranka. Waxaana kullankaas ka soo qayb galay Dadwayne iyo Xildhibaanada Guddida oo uu Guddoominaayo Guddoomiyaha Guddi hoosaadka, Mudane Mubaarik Muuse Ismaaciil iyo Guddoomiye ku Xigeenka Guddida Mudane Jamaal Cali Aadan (Jaah).

Dhinaca kale waxaa ka soo qayb galay Mas’uuliyiinta Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta, Aqoonyahank Ururada Bulshada ka socday, iyo Mas’uuliyiin hore. Kullankan Dadweyne ayaa waxa ugu horayn furay Guddoomiyaha Golaha wakiilada ee Somaliland Mudane Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo Guddida iyo dadkii ka soo qayb galayba uga Mahadnaqay kuna booriyey inay halkan Xeer Bulshada anfaca ka soo saaraan oo mas’uuliyad gaara ay iska saaraan.

Sidoo kale waxa iyaguna madasha ka hadlay Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Mudane Cabdilaahi Cabdi Faarax, iyo Guddoomiyaha Guddi Hoosaadka Deegaanka iyo Khayraadka Dabiiciga ah, Wasiirkii hore ee Macdanta iyo Tamarta Mudane Xuseen Cabdi Ducaale (Guray) iyo Agaasimaha waaxda Macdanta iyo Shidaalka ee Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta ee Somaliland.

Dhamaan Mas’uuliyiinta ka hadlay furitaanka kulankan, ayaa aad ugu dheeraaday muhiimadda uu Xeerkani qaranka iyo Bulshadaba uu u leeyahay iyo sida loogu baahan yahay in hore loogu ansixiyo, si Somaliland u soo jiidan karto maalgashadayaasha caalamiga ah iyo shirkadaha daneeya dhinacyadan.

Kullanka Dadweyne oo socday Maalin dhamaystiran Kana qabsoomay Magaalada hargeysa ayaa gebagebadii Waxa soo xidhaay Guddoomiyaha Guddida Mudane Mubaarik Muuse Ismaaciil, isagoo u balanqaaday kasoo qaybgalayaashii kullankan in talooyinkii iyo wax ka Badelkii ay halkan ka soo jeediyeen lagu dabaqi doono Xeerka laguna salayn doono nuqulka Gole weynaha la horgeynay doono.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker