Baanku Waa Guryahayagii Xaasakyagii baana deggan “Askarta Ilaalada Bangiga Ceerigaabo iyo Weriye Wadahadlaya”

 

 

Ceerigaabo(OWN) Kaddib markii subaxnimadii saaka ay bangiga Ceerigaabo hortiisa isasoo taageen laba baabuur oo midkood nin weriye ahi wateey, kaddibna lakulmeen goob baabuurta ladhigan jirey oo bangiga hortiisa ahayd oo dhagxaan lagu xeeray si aan gawaadhida loo dhigan, waxay weriyihii iyo ninkii kale isweydiiyeen sababta loo xidhay meeshii gawaadhiga la dhigan jirey, kaddibna weriyihii ayaa yidhi “Garan mayno waxa loo xidhaye imminkaan sawir ka qaadayaa”.

 

Askarta ilaalada bangiga oo saddex askari iyo taliyohooda ah ayaa iyagoo albaabka bangiga jooga waxay ka cadhoodeen hadalka weriyaha kaddibna waxa saddexda askari mid kastaba kasoo yeedhay hadallo dhiif, aflagaaddo iyo kulayl u badan oo ay weriyaha ku maagayaan, hadalladaas oo ay ka mid ahayd “Adeer bangigu waa guryahayagii xaasaskayagii baana deggan makusoo tusnaa”, iyo hadallo kale.

 

Dhinaca kalena Taliyaha ilaaladan ee goobta joogey ayaan isaguna wax jawaab ah ka odhan hadalladii qallafsanaa ee askartiisa kasoo yeedhayey.

 

Sikastaba ha ahaatee arrintan ayaa loo aanayn karaa askartan ilaaladan bangiga Ceerigaabo oo sannadihii ugu danbeeyey iyaga keligood ilaalinayey bangiga inay u qaateen meel ay leeyihiin ama aan looga maarmi karin lagana beddeli karin iyaga.

Oodweynenews.com/Ceerigaabo

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker