Ganacsato Casho-sharafeed Markab Dushii Ku Maamusay Safiirka Somaliland u Fadhiya Jabuuti Amb C/fataax Siciid Axmed

Jabuuti(OWN)-Ganacsato Maalgashiyo kala duwan ku Sameeyey dalalka Itoobiya iyo Jabuuti, ayaa xalay Kulan Casho-sharafeed ah Markooda Dushiisa ugu Sameeyey Safiirka Somaliland u fadhiya Dalka Jamhuuriyada Jambuuti Ambassador Cabdifatax Siciid Axmed.
Ganacsatadan ayaa damacsan inay Maalgashiyo kala duwan ku sameeyan dalka Jamhuuriyada Somaliland, kuwasoo la filayo inay dhowaan booqasho ku yimaadan Somaliland.
Safiirka Somaliland ee dalka Jamhuuriyada, ayaa uga mahadnaqay ganacsatada ku Maamusay Casho-sharafeedka, isagoo ku dhiirigeliyey inay dedaaladooda halkaa kasii wadan, Isla Markaana Ganacsigooda ku balaadhiyaan geeska, waxanu ku boggaadiyey hamigooda ah inay Somaliland mustaqbalka dhow ku sameeyan maalgalin iyo gamcsiyo.
Gamacsatada, ayaa Lagu magacaaba Dwet Michael, Seyoum Bereded, Samuel Wali. sidoo kale waxa Kulanka Casho-sharafeedka ah ku wehelinayey Safiirka Ganacsade Lagu Magacaabo Abdirahman oo reer Somaliland ah.
Markabka Safiirka lagu dul-qaabilay, isla Markaana Casho-sharafeedka loogu Sameeyey ayaa Lagu Magacaaba Lucy.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker