Libaax Gaadhi Qaali Ah Lagu Wato Oo Magaalada Paris Lagu Arkay

Booliis gaaf wareegaya Champs-Élysées oo ku taalla magaalada Paris ayaa helay war sheegaya in libaax uu ku dhex jiro gaadhi qaali ah.

Gaadhigaas oo sugaya nalka cagaaran ayay markaas askartu ku arkeen darawalka oo sawirro la galaya libaaxa.

Ninkaas oo 33 jir ah ayaa ku adkaystay “in xayawaanka uu wato ay bisad tahay” balse markii dambe waa la xidhay.

Libaaxa dhasha ah oo dhadig ah ayaa jirta labo bilood iyo badh waxaana la geeyay goob xayawaanka lagu xannaaneeyo oo ay leedahay hay’ad lagu magacaabo “30 Millions d’Amis”.

Bishii horana libaax kale oo dhal ah ayaa laga helay guri deegaan ah oo ku yaalla magaalada Paris.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker