Yaa dhalay wiilka loo heysto dilka xildhibanka Britishka ah?

Labadan wakaaladood ee caalamiga ah oo soo xiganaya warbaahinta dalka Britian ayaa maanta sheegay, in Cali Xarbi Cali oo ah ninka looga shakisanyahay inuu Jimcihi magaalada London ku dilay David Amess oo ahaa xildhibaan ka tirsanaa baarlamaanka Britain uu dhalay la talihii ra’isulwasaarahi hore ee Soomaaliya.

Labada wakaaladood waxay sheegeen in wiilka dilka looga shakisanyahay, uu dhalay Harbi Ali Kullane, oo horay u soo noqday la taliyaha dhinaca warbaahinta ee ra’isulwasaarihi hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre.

Qalabka Warbaahinta Britain iyo ilo wareedyo u dhaw hey’adaha amaniga ee kiiskaan baadhaya ayaa sheegay, in Cali Xarbi Cali ay xidheen booliska Britain kuwaasoo xadhigiisa u adeegsaday xeerarka ka dhanka ah argagixisada.

Cali ayaa ah qofka kaliya ee u xidhan dilka xildhibaan Amess oo 69 jir ahaa, kaasoo Jimcihii lagu dilay toorray xilli uu bariga magaalada London kula hadlayay dadka isaga soo doortay.

Sida ay qortay wakaaladda wararka ee Reueters, Harbi Ali Kullane, wuxuu u xaqiijiyay wargeyska Sunday Times ee dalka Ingiriiska, in wiilkiisa Cali Xarbi loo xiray arrimo la xidhiidha dil.

E-mail uu ugu soo jawaabay su’aal ay wakaaladda wararka Reuters ka weydisay arrimahaan, ayuu Xarbi Cali Kullane ugu jawaabay in xilligan gaarka ah ay ku jiraan xaalad laga naxo oo aysan horay arag, sidaasi daraadeedna uusan diyaar u aheyn inuu ka hadlo sababo la xidhiidha baaritaanka oo billow ah.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker