Khamriga yaa keena dalka? Halkuuse ka yimaad? By Amir Bidde

Waxaynu aragnaa in marar badan la sheego in khamri tiro badan lagu qabtay magaalooyinka Somaliland oo la gubayo. Qiyaasta qof walba wuu fahmi karaa, in inta aan la qaban ee khamri ihi ka tiro badan tahay inta la soo qabtay.

Somaliland ma leh warshado khamri, cid u haysata ruqsad ama oggolaansho inay dalka khamri keentaana ma jirto ama lama shaacin. 
Haddaba halkuu khamrigu dalka ka soo galaa? Yaase keena? Habkee dalka lagu soo geliyaa?
Khamrigu wuxuu dalkeena ka soo galaa, sida la wada ogyahay, dalka Itoobiya.  Wuxuuna soo maraa dhulka, wuxuuna ka soo gudbaa dhammaan kantaroolada min Wajaale ilaa Ceerigaabo! Booliska kantarooladuna ma arki karaan mana qaban karaan. Waayo waxa daabula khamriga cid ayna boolisku baadhi karin, joojin karin lana hadli karin. 
Khamriga dalka waxa soo galiya baabuurta jaadka, waxaana lagu soo dhex guraa, oo lagu qariyaa jawaanada waawayn ee qaadku ka buuxo. Booliska kantarooladu ma joojiyaan, baabuurta qaadka, baadhis iskaba daaye. Baabuurka qaadku xawaarihiisa sare ee uu ku socdo, wuu sii kordhiyaa markuu ku soo dhowyahay kantaroolada, dabadeedna inta birta laga sii dallaco ayaa laga kala yaacaa sii uuna u laynin. Askarta haddaad waydiisana waxay kuu sheegi in lagu amray inayna joojin baabuurta qaadka (amar SARE oo dawladeed oo soo taxnaa tan waqtigii Riyaale).
Baabuurta qaadku waxay is taagaan kaliya kastamka lagu cashuuro ee Kalabaydhka. Baabuurkiiba laba, saddex jawaan ayaa laga soo dejiyaa si loo miisaamo, dabcan kuwa aanu khamrigu ku jirin ayaa la soo dejin. Jawaanada kalena waa laga qiyaas qaataa, maadaama jawaanadu is wada leeg yihiin. Meesha kale oo ay istaagaan waa kastamka Abaarso oo lagu hubiyo tirada jawaanada iyo waraaqaha Kalabaydhku inay is leeyihiin.
Kastamadani musuq xaad dhaaf ah ayaa ka jira oo ay caan ku yihiin, waligoodna caado u ahayd. Shaqaalaha la geeyaa muddo gaaban ayay guryo waawayn ka dhistaan Hargaysa. Cid ceeb ama xaaraan u aragtaana ma jirto. Xukuumadda, baarlamaanka, mucaaridka iyo cid walba way ogtahay, laakiin maacaleesh! laaluush iyo xadidda xoolaha umaddu waa innoo dhaqan, waaba aynu ku faannaa, aakhirana yeelkeed. Qofkii masuul ah ee xoolaha u danyarta iyo dalka ka xaday wax muuqda ka samaysta waaba lagu ammaanaa oo fariid baa loo arkaa.
Jaadluhu 90% khamriga dalka iyagaa soo galiya, qarsoodina kuma soo geliyaan ee baabuurtaa waawayn ee jaadka sidda ayay khamrigana ku keenaan. 
10% waxa lagu soo geliyaa baabuurta dawladda (ceebeey ba’) ee nambarka GT wadata. Oo iyagana kantaroolada laguma baadho.
Haddaba inta dawladdu marba woxoogaa guri ku yaal Hargaysa, Burco, Boorama, Ceerigaabo…..lagu qabtay saxaafadda u soo bandhigayaan,,, Bal wax ha ka qabtaan cidda keenaysa (jumladlayaasha) iyo gaadiidka loo isticmaalayo. Haddii kale waa ruwaayad dadka lagu maaweelinayo, xaqiiqdana waa la iska indho tirayaa.
Taliyaha cusub ee ciidanka boolisku kormeerkiisii is-barasho ee gobolada wuxuu askarta u muujiyey inuu yahay nin Allah yaqaan (Allah-ka-cabsi leh) bal wax ha ka qabto xaaladahan kantaroolada ee fooddada ah een kor ku xusnay. Inkastoo laga yaabo in meel isaga ka sarraysa (wasiirka gudaha ama madaxtooyada) uun isbeddel wayni ka iman karo. Haddana waa waajib saaran inuu intii awooddiisa ah ku dhaqaaqo.
 
Wa Billahi tawfiiq,
 
A. Amir Bidde

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker