Hay’adda QM oo ka hadashay dadka laga soo saaray Laascaanood iyo Ceerigaabo

Hay’adda Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in dadka laga soo saaray magaalada Laascaanood iyo nawaaxigeeda ay haatan gaareen 7,250 qof. Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan xidhiidhinta arrimaha bani’aadminnimada ayaa war qoraal ah oo uu saaray maanta ku sheegay in 24 qoys oo kale iyagana la dejiyey tuulooyin hoostaga magaalada Buuhoodle.

Sida uu sheegay xafiiskaasi, magaalada Ceerigaaba waxa iyadana kasoo barakacay 75 qof oo soo gaadhay Gaalkacayo iyo Baydhaba kadib markii sida la sheegay mas’uuliyiinta degaanku ay u qabteen in dadka kasoo jeeda Koonfurta Soomaaliya ay ku baxaan ilaa 21-ka Oktoobar, sida lagu qoray warbixnta OCHA.

Hay’adaha gargaarku waxay sheegeen in ilaa 400 qoys ama dad gaadhaya 2400 lagu wargeliyey inay ka baxaan magaalada Ceerigaabo marka la gaaro 21-ka bishan.

Soo saarista qasabka ah ee dadkaasi ayaa walaac abuurtay sida uu sheegay xafiiskaasi. Waxay lagu sheegay warbixintaasi in dadka lasoo barakaciyey ay sheegeen inay kala lumeen dad ehelkooda ah iyo carruur; hantina ay kasoo tageen.

Dawladda Soomaaliya waxay si xooggan u cambaaraysay tallaabooyinka ay mas’uuliyiinta Somaliland kusoo saareen dadkaasi oo ay ku tilmaameen kuwo ka baxsan bani’aadminnimada. Hase yeeshee mas’uuliyiinta amniga ee Somaliland waxay difaaceen tallaabadaasi waxayna sheegeen in loo qaaday sababo dhinaca amniga ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker