Siday Ku Timid Odhaahda BBC-da Ee “Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madax bannaanida ee Soomaalilaan”?

Wixii ka dambeeyey badhtamihii sannadkii 2017 ayey BBC-Somali bilowday inay beddesho adeesiga magacii ay hore ugu yeedhi jirtay Soomaalilaan ee ahaa ‘ Maamulka Soomaalilaan, ama Soomaalilaan’. Waxaanay ku beddeshay inay Soomaalilaan ugu yeedho ‘ Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madax bannaanida ee Soomaalilaan’. Shicibka Soomaalilaan si weyn ayey uga cadhoodeen odhaahdan cusub ee u dhandhamaysa sidii dal aan hore u jirin oo imika bilaabay inuu Soomaaliya ka go’, haseyeeshee ay sax ku tahay inay Soomaalilaan hore u ahayd dal jiray oo dib madax bannaanidiisii ula soo noqday muddo 30 sanno ah oo ay Soomaaliya midow kula jireen. Khaladkii ay galeen 1/7/1960 ay saxeen 18/5/1991.

Kulankii dhexmaray Wasiir Caddaanigii Warfaafinta iyo Madaxdii BBC-da.

Horraantii sannadkii 2017 ayaa waraaq uu qoray wasiirkii warfaafinta Soomaalilaan ee xilligaasi Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Caddaani) uu ku sheegay in Soomaalilaan aanay ahayn maamuul-goboleed ka tirsan Soomaaliya, laakiin ay tahay dawlada madax bannaan oo loogu yeedho Jamhuuriyadda Soomaalilaan. Wasiirku wuxuu sidoo kale waraaqda ku sheegay cabashooyin ay dawlada Soomaalilaan ka qabto dheellitir la’aanta baahinta idaacadda BBC-Somali. Markii ay waraaqdaasi gaadhay BBC-da qaybta Afrika ayuu arrintaasi iyo arrimo kale oo xagga shaqada BBC-da ah u yimid Hargaysa madaxii BBC-da qaybta Afrika oo la odhan jiray Solomon Muger iyo habartii madaxa ka ahayd laanta afsoomaaliga ee BBC-da oo la odhan jiray Caroline Karobia 10/3/2017.

Markii uu kulanku dhammaaday ayuu wasiir Caddaani la hadlay warbaahintu oo uu yidhi” Madaxa qeybta Afrika ee BBC World Service, Mr.  Solomon Mugera iyo Madaxa  laamaha Soomaaliga iyo Sawaaxiliga ee BBC World Service, Mrs. Carolina Korbia, waxay  u yimaadeen Somaliland oo madaxdaas waa weyn loo soo diray, cabashadii aanu u gudbiney oo ahayd inaanay BBC-du dhex ka ahayn, arrimaha Soomaalida, inta badanna ay garab siiso Soomaaliya, taasi oo ka baxsan anshaxa warbaahinta lagu yaqaanay.” Dhiniciisa Solomon ayaa yidhi” Haddii Laanta Af-Soomaaliga ee BBC-du ku guul-darraysato hanashada Dhegaystayaashayada Somaliland, ma aha Sababtu in khaladku ka yimid Agaasimaha guud ee BBC-da, Agaasimaha wararka iyo dhammaan dawladda iyo shacabka Ingiriiska midna ee dhibaatadu cidda ay ka timid waa Laanta Af-Soomaaliga ah ee BBC-da”.

Ka Garaabistii Khaladkii Ay ku Kacday BBC-Somali

Labadan Sarkaal waxay qireen in markii ay dib u dhegaysteen Dooddii Laanta AfSoomaaliga ee Idaacadda BBC-du qabatay 17-kii Bishii hore ee Febraayo ee sannadkan aynu ku jirno 2017-ka, oo uu daadihanayay Cabdinuur Sheekh Maxamed Isaxaaq oo lagaga hadlayay Heshiiska Saldhigga Millateri ee dawladda Imaaraadka Carabta Xukuumadda Somaliland ka siinayso magaalada Berbera ay ahayd mid dhinac u xaglinaysay, taasoo ay inta badan sabab u ahayd sida uu ku dooday wakhtiga oo yaraa iyo hadallada oo aanay dhinacyada doodayey si siman u wadaagin.

Dooddii adeegsiga ‘ Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madax bannaanid ee Soomaalilaan’.

Solomon Mugera wuxuu kula dooday wasiirka in warbaahinta caalamiga ahi dalalka adduunka aan weli laga aqoosan aanay ugu yeedhi Karin Jamhuuriyad. Wuxuu miiska soo saaray inay saxaafadda caalamku dalka aan la aqoosan inay ugu yeedheen kelmada Ingiriisiga ah ee ‘Self declared Republic Of Somaliland’. Dhinaca wasiirka warfaafinta ayaa kula dooday inay kala saaraan maamul-goboleedyada Soomaaliya ka jira iyo Soomaalilaan, oo aanay ugu yeedhin maamulka Soomaalilaan. Waayo waxaanu la mid noqonayaa maamulka Jubaland ama maamulka Puntland oo ah dhamman maamul-goboleedyo hoos taga dawladda Fadaraalka Soomaaliya. Markii dooddii halkaasi la kala istaagay, ayaa aakhrikii uu wasiirkii warfaafinta ee xilligaasi Caddaani uu ku qancay in wixii ka dambeeya sannadkii 2017 Soomaalilaan loogu yeedho ‘Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madax bannaanid ee Soomaalilaan’. WARJIRE, Axmed Siciid Cige 2020, bogga 110.

BBC-da qaybta Afrika la hadasha ee FOCUS ON AFRICA waxa ay adeegsataa Self declared Republic Of Somaliland, sidoo kale laanta Af-carabiga ayaa iyadanu isticmaasha ‘ Maa yu samaa Jamhuuriyatu Somaliland’. In kasta oo marmar badan aanay raacin Self declared ee ay Somaliland oo keliya adeegsadaan. Aragtidayda waxa qumman in Soomaalilaan oo keliya loogu yeedho dalka, ilaa inta la aqoonsana Soomaalilaan ee jamhuuriyadda la raacinaayo magaca dalka.  Markaa doodda Solomon ayaa ah siday warbaahinta xorta ahi ula dhaqanto dalalka aan weli la aqoonsan ee adduunka ka jira. Doodda Solomon waxa aan la qabin VOA-Somali oo iyadu Somaliland oo keliya adeegsata. Waana dood jaban in adduunka oo dhami adeegsado sida uu u dhigay doodiisa.

 

 

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, Qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan.   

Calicoomay@gmail.com

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker