Hadal Hayn Ka Dhalatay Hees Cusub Ay Wada Qaadeen Labada Fanaan Ee Sharma Boy Iyo K’naan.

Waxaa baraha bulshada Soomaalida qabsatay hees ay si wada jir ah u soo wada qaadeen fanaanka da’da yar Sharmaake Cabdinaasir oo ku magac dheer Sharma Boy iyo heesaaga caanka Keynaan Cabdi Warsame(K’naan).

Heestaan oo magaceedu yahay Waayo Waayo oo maqalkeeda iyo muuqaalkeedaba yahay mid heerkeeda uu sarreeyay ayaa filan waa la noqotay taageerayaasha labada fanaan xilli aanya filanaynin in labadaan fanaan ee aadka loo jecelyahay ay ku midoobaan soo saarista heestaan.

K’naan ayaa waxa lagu xasuustaa heestiisii la magac baxday “Wavin’ Flag” 2010-kii ruxday caalamka ee laga qaaday tartanka koobka adduunka oo xilligaas lagu qabtay dalka Koonfur Afrika.

Heesta waxaa kale oo xiiso gaar ah u yeelay qaabka la isugu laray codadka iyo muuqaallada labada fannaan oo kala jooga laba waddan.

Baraha Bulshada ayaa aad loogu wadaagayay heestaan, waxaana dadka baahiyay ka mid ah fannaanin badan oo caan ah.

Wada-shaqeynta Sharma Boy iyo K’naan, ayaa waxay sare u qaadaysaa saameynta heerka heesaha raab-ka ee Soomaalida.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker