Maxaad ka Taqaanaa Xiddiga Barcelona u Badalaya Lionel Messi

Xiddiga  kooxda Juventus iyo xulka qaranka Argentine ee Paulo Dybala ayaa qirtay inay wax aad u fiican noqon lahayd haddii uu ku biiri lahaa Barcelona, xilli uu sugayo heshiis cusub oo uu naadigiisa u kordhiyo.

 

 

Heshiiska uu Dybala kula jiro Juventus ayaa ku eg xagaaga sannadka 2022, waxaana markaas kaddib uu xor u noqon doonaa inuu ku biiro naadiga uu doono haddii inta ka horreysa aanu qandaraaska kordhin.

26 jirkan oo xili ciyaareed fiican qaatay ka hor intii aan ciyaaraha loo joojin caabuqa Korona bishii March, ayaa lala xidhiidhiyey kooxo ay ka mid yihiin Manchester United, Real Madrid iyo Barcelona, laakiin haddii ay noqoto inuu ka tago Juventus, waxa uu xiise u hayaa Barca iyo inuu meel kala ciyaaro Lionel Messi.

 

 

 

Waraysi uu siiyey telefishanka CNN, ayuu kaga hadlay arrimaha mustaqbalkiisa iyo sida uu u jeclaan lahaa inuu Barcelona ka ciyaaro, waxaanu yidhi: “Xaqiiqadu waxay tahay in Barcelona ay tahay koox weyn oo dunida ah oo uu joogo Messi oo isaguna sii wayneeyey.

 

 

 

“Aad ayay u fiicnaan lahayd inaan u ciyaaro, laakiin sidoo kale Juventus ayaa ah koox cajiib ah oo aad u weyn, taariikh na leh, haddana ay joogaan ciyaartooyo wanaagsan.

Halkan waxa taalla tayo aad ku samayn karto laba kooxood  iyo fursad aad kula ciyaarto Gianluigi Buffon iyo Cristiano Ronaldo oo kooxda ka dhigay mid kasii weyn intii hore.”

Inkasta oo Dybala uu xiisaynayo inuu tago Barcelona, haddana wararku waxay sheegayaan inuu u dhow yahay inuu heshiiska u kordhiyo Juventus.

 

 

Xili ciyaareedkan, waxa uu kooxdiisa u dhaliyey 13 gool iyo toddoba uu caawiyey 34 kulan oo dhamaan tartamada ah oo uu saftay, waxaanu ka caawiyey Juve inay hoggaanka hal dhibic kaga hayso Lazio oo wacdaro dhigaysa xili ciyaareedkan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker