Somaliland Maxay Bishii August Kaga Duwanayd Dunida?

Mid ka mid ah goobaha magaalada Hargeysa ee bunka lagu cabbo ayaan toddobaadkan kula kulmay oday u dhashay qowmiyadaha degan dalka Itoobiya oo muddo 15 sannadood ah aanaan is arag. Salaan, sheeko iyo laba koob oo bun ah ka bacdi, wuxuu igu yidhi “ma iga rumaysanaysaa intaan Somaliland ka maqnaa oo haatan dhawr iyo toban sanno ah, inaan had iyo jeer ku fikiri jiray dadkii aan Somaliland isku barannay.”
Wuxuu intaas ii raaciyey muddadaasi, “markaan beertayda dhex joogo, waxaan ka fikiri jiray siyaabaha aad uga gudubtaan ama xal ugu heshaan duruufaha qalafsan idinla soo dersa, iyadoo aydaan cidna la kaashan.”
Anigoo aan u jawaabin ayuu odaygaasi isagoo qoslaya ii raaciyey “Ma rumaysan kartaa in aan magaalada Hargeysa oo aan wada yaqaanay in aan dhawr jeer ku lumay meelaha aan si wanaagsan u yaqaanay?”
Su’aashaasi waxay i xasuusisay dhacdooyin dhawr ah oo Bishii Ogost ee sannadkan 2021 dalka ka dhacay, arrimahaas oo dhammaan ahaa kuwo lagu farxo, yididiilana ku abuuraya shacbiga.
Bishii Ogost waxay Xukuumaddu Boqolkiiba Labaatan (20%) u kordhisay Ciidammada dalka oo dhan mushaharka ay qaataan. Waa arrin dhici jirtay, horena noo loo soo maray. Hase ahaatee waxa ahmiyadda gaarka ah siinaya bisha ay dhacday.
Korodhsiimadan mushahar waxa lagu dhawaaqay xili shaqaalaha dalka Afganistaan ay ka cabanayaan muddo lix bilood ah in aanay wax mushahar ah qaadan, maantana weli aanay helin, loona ogol yahay qofka haddii uu nasiib leeyahay inuu laba Boqol oo doolar oo kaliya baanka kala bixi karo.
Dalalka horumaray qaar ka mid ahina bishii Ogost waxay ku jireen duruufo dhaqaale oo adag oo ku kalifay dib-u-furista meheradaha iyo goobihii ganacsiga ee dakhligu ka soo galayeen ee loo xidhay sababo la xidhiidha cudurka Coronavirus. Dalal dhawr ah oo Geeska Afrika ku yaallana waxa muuqata in sicir-barar qaar hayo, kuwo kalena noloshoodii ay cidhiidhi ku jirto, farahana qaar ka qaadeen doorashadii riyada ahayd ee ay ku taamayeen.
Bishii Ogost ee dhammaatay, waxa Golaha Wakiillada ee cusubi oo aqlabiyaddiisa mucaaridku leeyahay, waxay muujiyeen wadashaqeyn buuxda oo aan muxaafid iyo mucaarid lahayn, arrintaasina waa mid naadir ku ah dalalka horumaray marka aqlabiyadda Baarlamaanka mucaaridku noqdo, sida- Congresska Maraykanka.
Su’aashii odaygii waxay i xasuusisay socdaalka Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ku tagay magaalada London ee dalka Ingiriiska ereyadiisii ku jiray khudbaddii soo dhaweynta ee Jaaliyadda Somaliland ugu qabatay magaalada London.
Guddoomiye Faysal waxa khudbaddiisii ka mid ahaa in 85% kharashka doorashadii dalka ka dhacday ay Xukuumadda Somaliland bixisay, doorashadaasina dhammaan gobollada ay ka dhacday cid ka maqnaydna aanay jirin, loona midaysnaa, wuxuuna intaas ku daray in uu u sido midnimadii uu dalka kaga yimid inay ku dhaqmaan dhammaan qurbajooga Somaliland meel kasta oo ay joogaan.
Faysal waxa uu xusuusiyey Jaaliyadda in cadowga Somaliland ee hadba hab cusub isku dayaya inuu ku soo weeraro inuu haatana mid diineed isku dayey. Qurbajoogana laga filayo inay qarannimada Somaliland difaacaan, isla markaana albaab kasta u garaacaan si qaddiyaddeenna loo gaadho.
Xaaladda dunidu waxay Bishii Ogost ahayd mid duufaanno, dabaylo iyo daadad hafiyeen; dab iyo abaaro ku bateen, dagaalo iyo Khalkhal siyaasadeed iyo noocyada kala duwan Covid 19 dhibaato ku hayaan, balse bishaasi waxa ay reer Somaliland u ahayd mid fiican.
Waxaan leeyahay shacbiga Somaliland iyo degaankeenuba aafooyinkaas Ilaahay wuu ka nabadgeliyey. Waxaan ku jirnaa nimco ay dunida, dalalka iyo shacbiga haystaa ay aad u yar yihiin. Waxa nagu waajib ah mahadnaq Ilaaha naga badbaadiyey dhibaatooyinkaas. Waxa nala gudboon xakammaynta nafta iyo ka fogaanshaha wax kasta oo nuqsaan ku keeni kara dhaqankeena diineed, midnimada, nabadda iyo xasiloonida.
Taloow odaygiina ma ku darnaa i xasuusiyey waxay Somaliland kaga duwan tahay dunida inteeda kale.
Waxa qoray Xuseen Cali Nuur, Hargeysa, Somaliland

home
Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker