Cristiano Ronaldo Mise Lionel Messi? Kabtanka Man United Oo Ku Biiray Muranka Xiddiga Ugu Fiican Addunka.

Harry Maguire ayaa qirtay inuu ku faraxsanyahay in Manchester United ay la soo saxiixatay Cristiano Ronaldo – isagoo ku tilmaamay saaxiibkiisa cusub “ciyaaryahankii ugu weynaa ee ciyaara ciyaarta”.

Ronaldo aaa ku laabtay Man United maalintii ugu dambaysay suuqii xagaaga kadib 12 sano markii uu ka tagay kooxda Red Devils isaga oo qalinka ku duugay heshiis 2 sano ah.

Xiddiga 36 jirka ah ayaa lagu qiimeeyaa mid ka mid ah xiddigaha ugu fiican adduunka isaga oo ku guulaystay Ballon d’or iyo champions league badan intii uu ciyaarayay kubada cagta.

Waxa inta badan la bar-baro dhigaa xiddiga ay sida weyn u xafiiltamaan ee Lionel Messi iyada oo taageerayaashu ku murmaan midka ugu fiican taariikhda kubada cagta.

Laakiin Maguire waxa uu sheegay in uuna jirin xiddig ka fiican taariikhada kubada cagta Xiddiga CR7.

Mar uu ka hadlayay imaanshaha Ronaldo Ayuu Maguire yidhi”waa arin cajiib ah in uu soo laabto”.

“Ku soo laabashadiisa kooxda waa arin fiican aniga ahaan, waa xiddiga ugu fiican taariikhda kubada cagta”ayuu sii raaciyay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker