Shil Gaadhi Oo Sababtay Dhimasho Iyo Dhaawac Oo Ka Dhacay Inta U Dhaxaysa Hargeysa iyo Berbera.

Wararka magaala Berbera  ayaa sheegaya in Alle haw naxariistee uu hal ruux ku geeryooday shan kalena ay ku dhaawacmeen shil baabuur oo ka dhacay degaanka Xamaas ee u dhaxeeya magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera.

shanta qof ee ku dhaawacmey shilka baabuur ayaa la sheegay in xaaladooda caafimaad ay culus tahay marka laga reebo waddaha baabuurka oo xaalad caafimaad wanaagsan tahay .

shilkan ayaa waxa sababay taayir u baxay baabuurka oo si xawliya u soconayaa waxana xaaladda Caafimaad ee bukaanka lagu dabiibayaa Cisbitaalka guud ee magaalada Berbera.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker