Kooxda Daacish oo sheegatay mas’uuliyadda qaraxyadii ka dhacay Iiraan

Kooxda isugu yeerta Dowladda Islaamka ee (IS) ama Daacish ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxyadii ka dhacay dalka Iiraan.

Hogaamiyaha ruuxiga ah ee Iran, Ayatollah Ali Khamenei, ayaa wacad ku maray inuu si adag ugu jawaabi doono qaraxyada lala beegsaday munaasabadda sanad guuradii sadexdaad ee ka soo wareegtay dilkii Qasem Suleimani oo Mareykanku dilay sanado kahor.

Qaraxa ayaa ka dhacay magaalada Kerman ee koonfurta Iiraan, waxaa ku dhintay dad gaaraya 84 qof waxaana ku dhaawacmay tiro intaas ka badan.

Kooxda Daacish ayaa sheegashadeeda ku sheegtay bogga lagu wada xirriiro ee Telegram-ka.

Iiraan ayaa markii hore mas’uuliyadda qaraxan ku eedeyneysay Israa’iil iyo Mareykanka.

Is waxay sidoo kale baahisay magacyada labada qof ee fuliyay weerarka, kuwaas oo ay ku sheegeen inay kala yihiin “Omar al-Muwahhid” iyo “Sayfullah al-Mujahid”. Waxay soo bandhigeen muuqaalada raggan oo xiran mask.

Qaasim Suleymani, wuxuu caan ka ahaa gudaha dalalka Iran, Ciraaq, Lubnaan, Suuriya iyo Yemen oo ah dalal ay ku nool yihiin dadka heysta madhabta shiicada, waxaana aad u xurmeyn jiray hogaamiyeyaasha dalka Iran iyo dadka shiicada.

Ciidanka uu madaxda ka ahaa ee Qudus, waxay ahaayeen ciidamo qaabilsan hawlgalada dibadda, gaar ahaan dalalka Suuriya, Ciraaq iyo Yemen, waxayna si toos ah uga mar qaataan hogaamiyaha Iran.

Ciidamada Qudus waxay hawgalo ka sameyaan meelo ka baxsan xuduuda dalka Iran, waxay taageero buuxda u muujiyeen Madaxweynaha Suuriya Bashar al-Assad, xilligii ay xoogaga mucaaradka Suuriya qabsadeen qeybo badan oo kamid ah dalkaas.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker