Madaxweynaha Somaliland Iyo Weftigii Uu Hoggaaminayey Oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii uu hoggaaminayey oo safar shaqo ugu maqnaa dalka Jabuuti, ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, waxana ay kasoo degeen madaarka caalamiga ah ee Cigaal International Airport.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftigiisa oo marti-qaad rasmi ah ugu maqnaa dalka Jabuuti, ayaa kamid ahaa wufuud caalami ah oo daafaha dunida isaga timi, kuwaas oo ka qaybgalay caleemo-saarka madaxweynaha dalka Jabuuti oo maalintii shalay ahayd qabsoontay.
Madaxweynaha iyo weftigiisa, waxa gegida diyaaraduhu ka haadaan ee Xumbuli ee magaalada Jabuuti kusoo sagootiyey wasiirka xannaanada xoolaha, kalluumaysiga iyo biyaha Mudane Maxamed Axmed Cawaale (Maxamed Soomaali) iyo Safiirka Somaliland u fadhiya Dalka Jabuuti Amb Cabdifataax Siciid Axmed.

 

Wa Bilaahi Tawfiiq

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker