Meydad hor leh oo laga soo saaray Gudaha Hoteelka Xayaat “SAWIRRO”

Wararkii u dambeeyay ee naga soo gaaraya Hoteel Xayaat ayaa sheegaya in halkaasi laga soo saaray meydad hor oo ku dhintay dagaalka ka socda gudaha Hoteelka.

Sawirro laga soo qaaday hotelka Xayaat oo dagaal ka socdo muddo ku dhow 24 saac ayaa waxaa ka muuqda burbur xoog leh oo gaaray dhismaha hotelka.

Tani ayaa sii kordhineysa khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay weerarka. Tobanaan ruux oo dhaawac ah ayaa la geeyay Isbitaalada Magaalada Muqdisho.

Waa mid kamid ah weeraradii ugu waqtiga dheeraa ee Alshabaab ka geystaan Magaalada Muqdisho tan iyo 2011 oo laga saaray Caasimadda.

Weli ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay Dowladda Soomaaliya, kaasi oo ku aadan khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay weerarka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker