Taariikhda Jabuuti – xogta kooban ee dalka ugu yar Bariga Afrika

Dalka jabuuti waxaa weli ka socota doorashada madaxtinimada oo ay ku tartamayaan madaxweynaha xilka haya, Ismaaciil Cumar geelle iyo Ganacsade Zakariya Ismaaciil Faarax.

Murashaxan la tartamaya Geelle ayaa lagu soo warramayaa inuu diiday in codkiisa uu ka dhiibto codbixinta maanta. Sakariya ayaa ka cabanaya qaabka loola dhaqmay kooxda doorashada u qaabilsan.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Gelle ayaa maanta barqadii codkiisa dhiibtay.

Haddaba aan eegno taariikhda guud ee Jabuuti:

Sannadkii 825 – Diinta Islaamka ayaa gaartay Jabuuti.

Xukunkii Faransiiska

1862 – Faransiiska wuxuu qabsaday dekedda Obock.

1888 – Waxaa halkaas ka bilowday maamulkii gumeystihii Faransiiska.

1892 – Jabuuti waxay noqotay caasimaddii dhulkii loo garanayay French Somaliland.

1897 – Itoobiya ayaa qaadatay qeybo ka mid ah Jabuuti, ka dib heshiis ay Faransiiska la saxiixatay.

1917 – Qadka tareenka ee isku xira dekedda Jabuuti iyo dhulka sare ee Itoobiya ayaa gaaray Addis Ababa.

1946 – Jabuuti waxay noqotay dhul dibadeed ka tirsan Midowga Faransiiska, waxayna wakiillo iyo xildhibaanno ku yeelatay baarlamaanka Faransiiska.

1958 – Jabuuti waxay u codeysay in ay ka mid noqoto Bulshada Faransiiska.

Madax bannanida iyo xuriyadda

1967 – Afti ay codkooda ka dhiibteen bulshada Canfarta iyo dadkii kale ee Yurub ka yimid, waxaa lagu go’aamiyay in Jabuuti ay ka sii mid ahaato bulshada Faransiiska; Magicii French Somaliland na waxaa loo bedelay Dhulka Faransiiska ee Canfarta iyo Ciisaha.

Hassan Gouled Aptidon

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka,Xasan Guuleed Abtidon, wuxuu noqday madaxweynihii ugu horreeyay ee Jabuuti, ka dib xuriyadda.

1977 – Dhulka Faransiiska ee Canfurta iyo Ciisaha, wuxuu helay madaxbannaanida, waxaana madaxweynihii ugu horreeyay ka noqday Xasan Guuleed Abtidoon.

1979 – Waxaa sameysmay Xisbiga Horumarinta Isu-tagga Shacabka, kaas oo aragtidiisu ahayd mideynta Canfarta iyo Ciisaha.

1981 – Jabuuti waxay noqotay dal uu ka arrimiyo hal xisbi oo keli ah.

1992 – Dastuur ogolaanaya axsaab siyaasadeed oo kooban ayaa la hirgeliyay; ka dib wuxuu dagaal ka dhex qarxay ciidamada iyo Jabhaddii Canfarta ee FRUD. Dagaalka wuxuu ka dhacay Waqooyi Bari Jabuuti.

Heshiiskii awood-qeybsiga

1994 – Dowladda iyo Jabhaddii FRUD waxay wada saxiixdeen heshiis awood-qeybsi ahaa. Si halkaas loogu soo afjaro dagaalkii sokeeye; Balse garabkii mayilka adkaa ee FRUD ayaa dagaalka sii waday.

Newly elected President Ismael Omar Guelleh

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka,Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa doorashada madaxtinimada ku guuleystay 1999.

1999 – Madaxweyne Abtidoon wuxuu shaaciyay in uusan u tartami doonin xilka madaxweynaha. Ka dib Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ku guuleystay doorashadii madaxweynaha.

2000 April-May – Dowladdii ku meel gaarka ahayd ee Soomaaliya, ee uu hoggaaminayay Cabdiqaasim Salaad Xasan ayaa lagu soo doortay magaalada Carta shirkii ka dhacay ee ahaa midkii ugu ballaarnaa, tan iyo burburkii Soomaaliya.

2000 February – Dowladda iyo garabkii xagjirka ee FRUD ayaa wada saxiixday heshiis lagu dhammeeyay dagaalkii sokeeye.

2000 March – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Jabuuti, ahaanna hoggaamiyihii garabka xagjirka ee FRUD, Axmed Dini, ayaa ku noqday dalkaas ka dib sagaal sano oo dibad joog uu ahaa.

2000 December – Iskudey afgembi oo la sheegay in uu soo abaabulay Taliyihii booliska ee shaqada laga ceyriyay, Janaraal Yacin Yabeh Galab, ayaa fashilmay. Yacin waxaa lagu helay dembi khiyaano qaran iyo ku xadgudubka amniga dalka.

2002 January – Markab dagaal oo Jarmalka laga leeyahay iyo 1,000 askeri ayaa gaaray jabuuti, si ay u kor meeraan Badda Cas. Waxay taageerayeen cunna qabateyn uu Mareykanka saaray Afqaanistaan.

2002 September – Waxaa dhammaaday waqtigii uu ku ekaa xeerkii dhigayay in seddax xisbi oo keli ah ay dalka ku tartami karaan, wuxuuna waddada u xaaray sharci ah in axsaab badan oo siyaasadeed la sameeyo.

2002 September – Jabuuti waxay sheegtay in aysan noqoneyn saldhig loo adeegsado weerarro ka dhan ah dalal kale. Illaa 900 oo askeri oo Mareykan ah ayaa xilligaa saldhig ka sameystay, kuwaas oo hoggaaminayay dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

2003 January – Isbeheysi uu hoggaminayay madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa ku guuleystay doorashadii ugu horreysay ee axsaab badan ay ka qeyb galeen ee baarlamaanka – tan iyo xilligii xuriyadda ee 1977.

Tarxiilkii soo galootiga

2003 September – Dowladda waxay bilowday howlgal lagu soo qabqabanayay, laguna tarxiilayay dadka soo galooyiga ah, oo xilligaas bulshada Jabuuti ka ahaa boqolkiiba 15%.

2005 April- Doorashadii madaxtinimada, Geelle wuxuu ahaa musharraxa keli ah ee ka qeybgalay.

2006 November – Warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobeey waxaa lagu sheegay in dalal ay Jabuuti ka mid tahay ay jebiyeen cunna qabateynta hubka ee Soomaaliya la saaray 1992. Waxaa lagu edeeyay in hub ay geliyeen dalka oo gacanta u galay maamulkii Maxkamadaha ee Muqdisho. Jabuuti way beenisay.

2007 March-April- Abaar ba’an ayaa looga dhawaaqay Jabuuti. Hay’adda Cuntada Adduunka ee WFP waxay sheegtay in illaa 53,000 oo qof ay noqon karaan cunto la’aan.

Demonstrators in Djibouti

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka,Dibadbaxayaal dalbanayay in baaritaan lagu sameeyo geerida Garsoore Maxkamadeed oo Faransiis ahaa.

2008 January – Jabuuti waxay bilowday dagaal sharci ah oo ay Faransiiska kula tiigsatay Maxkamadda Cadaaladda ee ICJ. Wuxuu kiiska la xiriiray baaritaanka geerida Garsoore maxkamadeed oo u dhashay Faransiiska, Bernard Borrel.

2008 February – Xisbiga talada haya ayaa ku guuleystay dhammaan kuraasta 65-ta ah ee baarlamaanka, ka dib markii ay doorashada diideen seddaxdii xisbi ee kale.

Dagaalkii Eretereya iyo Jabuuti

2008 June- Wuxuu dagaal adag ka dhex bilowday ciidamada Jabuuti iyo Eretereya. Wuxuu dagaalka ka dhacay xuduudda lagu muransan yahay ee Ras Doumeira. Ugu yaraan sagaal askeri ayaa Jabuuti looga dilay dagaalkii ugu horreeyay. Mareykanka wuxuu Eretereya ku eedeeyay “daandaansi” balse xukuumadda Casmara ayaa beenisay in duullaan ay soo qaaday.

Woman on way to collect water

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka,Kumannaan qof ayey saameysay abaartii Jabuuti ee 2011-kii.

2009 December – Golaha Amniga ee Qaramada Midoobeey ayaa ansixiyay cunna qabateyn adag oo ka dhan ah Eretereya, ka dib markii lagu eedeeyay in ay hub siisay kooxo ka soo horjeeday dowladda Soomaaliya iyo in ay diiday in xal loo helo khilaafka xuduudda ee kala dhexeeya Jabuuti.

2010 April – Baarlamaanka Jabuuti wuxuu ansixiyay isbedello u ogolaanayay madaxweynaha in uu mar seddaxaad xilka u tartamo.

2010 June – Eretereya iyo Jabuuti waxay isku raaceen in ay si nabad ah ku xalliyaan khilaafka xuduudda.

Xiisadda mucaaradka

2011 February – Kumannaan qof ayaa isu soo bxay, waxayna dalbanayeen isbedel maamul. Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhimatay dibadbaxyadaas.

2011 April – Madaxweyne Geelle ayaa ku guuleystay doorashada ay qaadeceen mucaaradka.

2011 June-September – Waxaa geeska Afrika ku dhufatay abaartii ugu xumayd muddo 60 sano ah.

2011 December – Guutadii ugu horeysay ee ciidamada jabuuti ayaa gaaray magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Waxay xoojinayeen howlgalka midowga Afrika ee AMISOM.

2012 February – Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF waxay ansixisay $14 milyan oo deen ah oo lagu xoojinayay dhaqaalaha Jabuuti oo abaaraha ay saameyn ba’an u geysteen.

2013 February – Axsaabta Mucaaradka waxay ka qeybgaleen doorashadii baarlamaanka ka dib markii ay qaadeceen middii madaxtinimada. Balse way diideen natiijadii ka soo baxday. Xisbiga talada haya ayaa helay 49 kursi oo ka mid ah 65-ta kursi ee baarlamaanka.

Yemeni refugees arriving in Djibouti

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka,Kumannaan qof oo ka soo qaxay dagaalka Yaman ayaa doomo ku gaaray Jabuuti, sannadkii 2015-kii.

2014 May – Bam ayaa ku qarxay maqaayad waxaana ku dhintay tiro ka mid ah askarta ajaaniibta ah ee Jabuuti ku sugan. Sidoo kale waxaa ku dhintay laba qof oo is qarxiyay. Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda.

2014 June – Jabuuti waxay la daalaa dheceysay sannadkii afaraad oo xiriir ah oo abaaro ba’an ay ka jireen, sida Qaramada Midoobey sheegtay.

2015 December – Dhowr qof ayaa ku dhimatay caasimadda Jabuuti ka dib markii ay isku dheceen dibadbaxayaal iyo booliska. Mucaaradka waxay dowladda ku eedeeyeen xarigga taageerayaashooda.

2016 April – Madaxweyne Geelle ayaa markii afaraad ku guuleystay doorashada madaxweynaha, inkastoo doorashadii 2010-kii uu sheegay in uusan tartami doonin.

2016 July – Maxkamadda Dembiyada Caalamiga ah ee ICC ayaa sheegaty in Golaha Amniga ay u gudbisay kiis ka dhan ah Uganda iyo Jabuuti, ka dib markii ay ku fashilmeen in ay soo qabtaan madaxweynihii Sudan Cumar xasan Al-Bashiir.

2016 December – Jabuuti waxay sheegtay in Sucuudiga uu dalkeeda ka sameysanayo saldhig militari.

2017 June – Jabuuti waxay Eretereya ku eedeysay in ay ciidamo u soo dirtay dhulka lagu muransan yahay, ka dib markii halkaas ay isaga bexeen ciidamadii nabad ilaalinta ee dalka Qadar ka socday.

2017 August – Shiinaha ayaa si rasmi ah Jabuuti uga furtay salidhig militari.

2020 June – Waxaa soo baxday in duuliye askeri ahaa oo ka baxsaday Jabuuti ay Itoobiya dib ugu celisay halkaas. Duuliye Fu’aad ayaa weli ku xiran Jabuuti. Wuxuu muuqaal uu iska soo duubay ku sheegay in uu xabsiga ku xanuunsaday, daryeelna uusan heli. Dowladda ayaa beenisay arrintaas.

2021 March – Axsaabta Mucaaradka ayaa markale diiday in ay ka qeybgalaan doorashada madaxtinimada oo ay ku tilmaameen mid aan cadaalad ahayn.

2021 -9 April – Shacabka jabuuti waxay u dareereen codeynta doorashada oo ay ku tartamayaan madaxweyne Geelle oo doonaya in marshanaad uu xilka qabto iyo musharaxa ganacsadaha ah ee Zakariya Ismaaciil Faarax.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker