Kacdoonka Nuuradiin School Oo Daaha Ka Fayday Dhoohnaanta Wasaaradda Waxbarashada JSL

“Kacdoonka uu sababay maqaalkii uu qoray Xaynoosh Axmed Jaamac waa tusaale nool oo daaha ka fayday dhoohnaanta wasaaradda waxbarashada iyo waxbarashada noqotay ganacsiga ee aan lahayn tudhaale iyo tayo. wuxuu iftiimiyay ardaygaasi been abuurka Dugsigooda ee loo hoosaasinaayo ummadda masiibada COVID-19, seben kasta waxa kaca halgamaa hoggaamiye kacdoon salmiya oo lagu diidan yahay xaq darro.
Wasaarada waxa u taal hawl weyn baadhis mug leh, dabagal iyo in lala socdo tallaabooyinka dugsiyada waxbarashada ee gaarka loo leeyahay, waxa aan la qarin karin in fashil weyni dul hogganaayo wasaaradda masuulka inooga ah waxbarashada. waa in tallaabooyin la qaada oo ay ka dhalata kacdoonka Ardayda dabagal iyo kormeer joogto ah, dugsigana waa in lala xisaabtama.
Dugsiga Nuuradiin waxa hor taal run qadhaadh oo u baahan ka garaabid, waxa looga baahan yahay in aanay noqon macaash doon (profit oriented) waa in la tixgeliyaa ardayda duruufaha adag xilligan ku nool ee aan haysan waxabarasho dawliya oo tayo leh. talaabooyinka ay qaadayaan waa in ay noqdaan qaar taxadir leh oo aan sii hurin dhimbiisha tacadiga”..
Xogahayaha Arrimaha Bulshada Xisbiga Waddani,
Maxamed Saddiiq Dhame

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker