Mareykanka oo kala baxaya dal African ah diblumaasiyiintiisa

Mareykanka ayaa ku amray qaar ka mid ah shaqaalaha diblomaasiyiinta iyo qaraabadooda inay ka baxaan caasimadda dalka Nigeria ee magaalada Abuja, sababo la xiriira khatar weeraro argagixiso oo laga cabsi qabo.

Safaaradda Mareykanka ee Abuja, ayaa kula talisay muwaadiniinta Mareykanka inaanay usoo safrin magaalada.

Ma aysan bixin wax tafaasiil ah oo ku saabsan khatarta iman karta.

Arbacadii dowladda Mareykanka, ayaa digniin tan la mid ah u gudbisay Koonfur Afrika, iyadoo ku wajahnayd digniinta dadka ku nool xaafadda Sandton.

Xaafadani ayaa waxaa dagan dadka taajiriinta ah, iyadoo ku taalla magaalada Johannesburg.

Dadka ayaa waxaa laga dalbadey inay ka fogaadaan meelaha dadku ku badan yahay toddobaadkan ee xaafaddan.

Madaxweyne Cyril Ramaphosa, ayaa sheegay inay “nasiib darro tahay” in maamulka Washington aysan lasoo xiriirin dowladdiisa, ka hor inta aysan ku dhawaaqin digniintan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker