Daawo Duqa Degmada Oodweyne Md.C/xakiin Nuur Muuse Oo Hambalyo U Diray Ummadda Somaliland+Fariin Culus Oo Uu U Diray Bulshada Oodweyne

Oodweynenews(OWN)-Gudoomiyaha Golaha Deegaanka Degmada Oodweyne Md.Cabdixakiin Nuur Muuse oo ka hadlaayey fagaarihii bulshada degmada Oodweyne isugu soo baxday ee ay ku tukanaayeen Salaadii Ciidul Fidriga ee ayaa waxa uu bulshada deegaankaasi kala hadlay arimo dhawra.

Maayar Cabdixakiin Nuur Muuse ayaa ugu horeyn waxa uu munaasibada ciida awgeed, hambalya u diray guud ahaan shacabka Islaamka,gaar ahaan bulshada Somaliland, Madaxweynaha Qaranka, iyo dhamaan sadexda gole ee Qaranka Somaliland.

Dhinaca kale Maayarka Oodweyne Md.Cabdixakiin Nuur Muuse, waxa uu bulshada gobolka Daad-madheedh ugu baaqay inay ka dheeraadaan Goobaha biyo-mareenada ah iyo dooxyada waa-weyn ee gobolka oo uu tibaaxay inay qaar kamida dadweynaha gobolkani degaan ama ay ku dhawaadaan, dooxyadan oo uu ka xusay Dooxa Oodweyne iyo Dooxa Xaaxi

Halkan hoose ka daawo warkaaso dhan

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker