Biden oo sheegay taageerayaasha Trump iney khatar ku yihiin xasiloonida Mareykanka

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay taageerayaasha madaxweynihi hore ee dalkaasi Donald Trump iney khatar ku yihiin Dimuqraadiyadda Mareykanka.

Taageerayaasha xambaarsan ‘aragtida ah awoodda Mareykanka ayaan markale soo celineynaa’ waxay go’aansadeen ayuu yiri dalka Mareykanka iney dib u celiyaan.

Biden ayaa hadalkaasi sheegay khamiisti shalay ahayd xilli uu ka hadlay munaasabad lagu qabtay filaadelphia oo lagu xusayyey maalinti la saxiixay sharciga xorriyadda Mareykanka.

Wuxuuna Biden intaa ku daray inuu dhaliishaasi uu u soo jeedineyn dhammaan 70-ki malyan oo qof oo doortay Biden xilligi ay dhaceysay doorashadi 2022-kii.

Ciidamada FBI-da ee Mareykanka ayaa dabayaaqadi bishii hore baaritaan ku sameeyey guriga uu Trump ka dagganaa Folorida taasoo ka careysiisay taageerayaasha Trump.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker