Gabay: Isma-dhaanto

*Ayaamahan ma tirin maansadaan ku ilwanaa jeere
*Mase gabin ortiyo jiibta iyo abid tusaalaynta
*Bal aan maanta Alifkiyo kordhabo ereygii suugaanta
*Oo aan nimanka umarada ka dhigan erey ku suureeyo
*Awoowgood wixii lagu gubaay daba ordaayaane
*Waxa afarta geesood qabsaday niman akaakoobay
*Oo aan insaankiyo tixgelin aadanaha dooran
*Waa niman ujeeddaba ka madhan oo anfaca raadin
*Waa niman indhala oon arkayn meel ilays jiro’e
*Waa niman odoros aan lahayn ama ishaarooyin
*Waa niman abaaraysan oo labo-amlaynaaya
*Waa niman afkooda uun u nool ayax sidiisiiye
*Waa niman ilma-adeerradood edegga buuxsheene
*Ubadkooda waa niman korsada ehel xigaalkoode
*Waa niman intii kale ka dhigay cadow la aasaayo
*Waa niman awooddii u rogey qaado amarkayga
*Waa niman eryanayoo dadkii aarmi ka adeejin
*Waa niman aqoonta iyo neceb ruuxii aammin ahe
*Waa niman aasaartii dafiray asalkii taariikhda
*Waa niman ilduufoo qawadey isirkii Soomaali
*Waa niman illoowshiiyo dhow umul sideediiye
*Waa niman Amxaarada watiyo agagaftii Kenya
*Waa niman Isaayaas la jira ama Imaaraadka
*Waa niman arradan oo aqligu eber ka hooseeyo
*Isma-dhaanto weeyaan dirkuba waa astaan madhane
*Irrid oodan weeyaan halkay nagu ijbaareene
*Agaraa-dam bay nagu wadaan ubucda jiilaalka
*Halkay nagu ekeeyeen kuwani waa abaar solane
*Oommane waxay nagu fureen omos ka qiiqaayo
*Waxa ummaddan lagu hagahayaa ilo cidhiidhyoone
*Aga, aga awoowgood la naar way anbanayaane
*Iraadadase shacabkaa dhowaan la arki doonaaye
*Iska samra “ILAAHAAN QABNAA” TII ALLAY NOQONE.
By: Mohamoud Ibrahim (Xaaji). 3rd Jan 2021.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker