Turkiga oo jaray xidhiidhkii ganacsi ee Israa’iil kaas oo ku kacayay balaayiin doollar

Turkiga ayaa sheegay in uu joojinayo dhammaan ganacsigii kala dhexeeyay Israa’iil sababo la xiriira dagaalka Qasa, isagoo si gaar ah sabab uga dhigay xaaladda bini’aadantinimo ee ka sii daraysa ee dhulka Falastiin.

Ankara waxa ay sheegtay in dhammaan wax soo dejinta iyo dhoofinta la joojin doono ilaa ay Israa’iil ka ogolaato qulqulka gargaar aan kala go’ lahayn ee ku filan reer Qasa.

Turkiga ayaa soo rogay qayb kamid ah xayiraadaha bishii Abriil kadib markii uu sheegay in loo diiday ogolaanshaha in sahayda bini’aadantinimo la geeyo Qasa.

Ganacsiga labada dhinac ayaa qiimihiisu ahaa ku dhawaad toddobo bilyan oo dollar sannadkii hore.

Wasiirka arrimaha dibadda Israa’iil, Katz, ayaa ku eedeeyay madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, inuu u dhaqmayo sidii kaligii taliye.

Waxa uu sheegay in Turkiga uu ku khasaari doono go’aankan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker