Daanyeer uu dhaawac gaadhay oo ay kaamiraduhu soo qabteen isaga oo is daweynaya

Daanyeerka lagu magacaabo Sumatran orangutan oo ku dhashay dalka Indonesia ayaa isku daweeyay dhacaan dhir si uu u bogsiiyo nabar weyn oo dhabankiisa soo gaaray, sida ay sheegeen saynisyahano.

Waa markii ugu horreysay oo noole duurka ku nool la diiwaan geliyo isagoo nabar ku daweynaya geed dawo ah.

Kadib markii ay cilmi-baarayaashu arkeen daanyeerka oo marsanaysa daawada wejigiisa, nabarkii ayaa xirmay oo bogsaday bil kadib.

Saynis yahanadu waxa ay sheegeen in dhaqankaasi uu ka iman karo waxyaabo ay wadaagaan dadka iyo daanyeerka waaweyn.

Koox cilmi baaris ah oo ku sugan Gunung Leuser National Park, Indonesia ayaa arkay xayawaankan oo dhaawac dhabanka ah ah uu soo gaaray bishii Juun 2022-kii.

Waxay rumaysan yihiin in uu ku dhaawacmay dagaal uu la galay daanyeer kale oo ay xafiiltamaan iyadoo markii uu dhaawacu soo gaaray uu aad u qayliyey.

Kooxda ayaa dabadeed arkay xayawaankan oo calalinaya jirridda iyo caleemaha geedka lagu magacaabo Akar Kuning, oo ah mid ka hortagta bakteeriyada, sidoo kalena lagu daweeyo duumada iyo macaanka.

Wuxuu ku celceliyay dareeraha dhabankiisa todoba daqiiqo

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker