Aqoonyahanka Hormuud Kulliyad Jamacaddeed Intee Sanno ayuu Xilkaasi heyn karaa?

Su,aalo hor leh Ayaan ugu horreyn Mawduucan iska su,aaley tiro badan kuwaasi oo qaar ka mid ahi ay yihiin,Hormuudka kulliyadu jagada uu ku fadhiyaa shaqo ayey u tahaye Ma shaqadiisa ayaa laga qaadaa,Mar kale waxaan is weydiiyey Aqoonyahanka badan ee Hormuuudyada jaamacaddaha ahi Meel sarre oo waxbarashadda ah oo ay u sii dhaafaan Hormuudkaasi (Dean) kaasi ma jirta oo ay higsan karaan si ay boosaska u baneeyaan Marka ay fursado kale hellaan.Waxa kalle oo aan isa sii,su,aaley xubnaha Hormuudyadda ah ee jaamacaddaha dalka gaar ahaan ta dawladda miyaan loo dallac siin karin Xubin Guddi Tacliinta sarre ah amma miyaan Shaqaalaha Khibrada leh ee Jaamacadda ee hawl-gabka taagan laguba dari karin Guddiga sarre ee maamusha jaamacadda( in Guddiga sarre ee Jaamacadd maamuleysa Ganacsato iyo Cuqaal laga buuxiyaa waa in la ilaawey dadkii ehelka u ahaa waxa ka socda jaamacadda gudaheeda).Guddiga sarre ee Jaamacadd maamula Hormuudyada iyo Macallimiinta khibrada lihi miyaaney  ka mid noqon karin.Markase laga tago Guddiyadaasi aan kor ku soo sheegney Miyaan la heli karin qeybo (Sectors), Shaqo cussub iyo boosas kale oo hormuudka loo beddeli karo amma loo dallacsiiyo si uu isna booskii ugu banneeyo qof dhiig cussub iyo aragti cussub ku shuba shaqada.Haddiise sannado aad u badan aqoonyahan qudha ama khabiir lagu hayo booska hormuudka kulliyada maxaa mustaqbalka isbeddel ku dhici kara nidaamkiisa maamul,kartidiisa,hufnaantiisa, iyo firfircoonidiisa marka la barbar dhiggo sannadihii horre ee uu shaqada ku cusbaa.safiiro waxbarasho iyo xubno bulsho mushahar qaatayaal ah oo ka shaqeeya balaadhinta iyo meel marinta fikrado waxbarasho tayeysan,hirgelinta cilmi baadhisyo dhaqaale lagu sameeyo,qorrida buuggaag la maalgeliyo ayeyna sidoo kale hormuudyada jaamacadduhu ku dhammeysan karaan u addeegida bulshaddooda haddii ay baneeyaan boosaska ay cimriga dheer ka soo jeeddaan. 

Hormuudyada jaamacaddaha somaliland waa koox iyo dabaqad gacanta ku heysa Maamulka dabaqada dhexe ee xarumaha Waxbarashada tacliinta sarre,waa Koox aan Marna intaan hadda ogahay waxba la iska weydiin shaqadooda,guud ahaan jaamacaddaha dalka gaar ahaan kuwa dawliga ah hadal heynta ugu badani waxa ay heysataa xubnaha sarre ee jaamacadda oo kala ah guddoomiyaha iyo ku xigeenkiisa,labadaasi xubnood sidda looga hadlo beddelkoodana loo jecel yahay loogama hadlo hormuudyada kulliyadaha sannadaha badan ku fadhiya boos u baahan isbeddel iyo aragtiyo cussub oo hor leh.Marna la isma weydiiyo sidda guddomiyaha jaamacadda qandaraas 5 sanno ah loola galo in hormuudyadda jaamacaddana qandaraas 5 sanno ah lagu lifaaqo shaqadooda.yaa garan karase Akhriste tirada  Sannadaha ugu macquulsan ee Hormuudku kulliyada hoggaamin karo,Ma 5 Sanno,Ma 10 sanno,Mise 20 Sanno.Maxaase diidaya in Qandaraasyada guddoomiyaha iyo kuwa hormuudyada la isku jaan gooyo si ay mar u wada banneeyaan boosaska loona qaato hoggaamiyayaal isbeddel kale inoogu doora. 

Waxbarashaddu hadda sida ay somaliland u socoto waxa ay lumineysaa quruxdii iyo mustaqbalkii intaba,waxaana ku dul caajisey dadyow kooban oo maamulaadkoodu waxyeello mooye aan waxtar badan oo buuran u laheyn baahiyaha jira dhab ahaantii,Maamulo xidh-xidhan,isbeddelka neceb,baqaya,ku dhaco ku yar yahay,kana wada leexday quruxdii shaqada iyo nidaamkii maamul ee saxda ahaa ayaa la wada dugsanayaa.dhan kale tiro badan oo shaqaale hawl-gab ah,kuwaasi oo maskaxda iyo jidhkaba ka daalley ayaa buux dhaafiyey boosas iyo xafiisyo muhiim u ah shaqada waxbarashadda jaamacaddaha,farqigaasi badan ee dhanka cimriga ahina wuxuu bac iyo faquuq baaxadiisa leh dhex dhiggey dhallinyarta badan ee raba in ay aqoonta u addeegaan iyo odoyaasha caajiska la soo toosa xafiisaadkana salaada duhur ku suga. 

 

Hormuudka Kulliyad Jaamacaddeed somaliland wuxuu horjoogge u yahay tirro ardey badan oo ku dhow 300 iyo 30 macallin haddana dhab ahaantii meelo badan waxa kulliyada wada jooga dadka intaasi leeg oo ku wada joogga nidaam iyo maamul naftii ka baxdey oo meydkiisa la si sito.Waxaan daawaneynaa iyada oo horteena maamulkii nafta lagaga qaadey laguna bireynaayo haddana natiijo ayeynu sugeynaa.Dhisme iyo Xafiisaad lumiyey quruxdii dhabta aheyd ayaa aroortii  lagu wada kalahaaya fajiyo la isugu wada dhigaayo.Hormuudyada cussub amma da,yarta ahina maamulkii oo aan  wada socon oo kala xaniban ayaa tamarta ka lumiya wakhtiga billowga ah,taasi oo ku dhex tuurta badweynta isla walaaqashada iyo wada daneysiga isku sidkan. 

Dhextaal 

“Aqoonyahankeena iyo inamadeena hormuudyada ah waxa ku jira kuwo badan oo aqoon u leh booska ay ku fadhiyaan,waxa ku jira kuwo aan aqoonba iyo shahaado midna aan u laheyn waxa ay hormuudka u yihiin,kuwo badan ee sannadaha badan inoo soo addeegay ee inta karaankooda dedaalay abaal ayaanu u heynaa,kuwa kulliyadaha ay heystaan iyagu gacantooda ku aasaasey  taariikhda ayey isku qorreen,hase ogaadan in markii ay wakhti dheer meeshii heysteen ay haddana ku dhex macaanadeen oo ay ku dhex xumadeen“. 

xirfad sarre ayey aqoonyahanka uga baahan tahay in la barto sida wax loogu sheego loona maamulo qof wax soo maamuley amma maamula,waayo marka aad tahay hormuud kulliyad heysta waxa aad rumeysan tahay in aad tahay dadka ugu qiimaha badan nolosha iyo bahda waxbarashadda,taasi oo fogeyneysa in wax loo sheego hormuud,amma uu wax qaato.”Maamulku soomaalida fooq been ah ayuu saara”.Macallimiinta iyo Hormuudka kulliyadu waxa ay kala joogaan laba meero oo kala duwan sida Fiinas iyo Maaris,Markaad kala hadleyso qoddob wax ay kala hadlayaan qoddob kale oo aan sinaba u qeseynin waxaad ka hadashey.haddii aad wax ka cabato amma dhalliilo u soo jeediso waxa ay isku difaaci doonnaan wax ka fajicinaaya.haddii aad fahanto kala duwanaanshaha shaqada iyo boosaska,waxaanad fahmi doonnin sida maamulka laga dhigtey iyo xaafada yar ee ninkani dhistey sida aad ugu dhex nooshahay. 

Helida masuul buuxiya jagada hormuud kulliyadeed uma fududa umana sahlana sidda alaab meel laga soo qaadaayo,haddana waxa kulliyadda jooga haddii uu booska banneynaayo barrayaal,khibrad leh oo waayo aragnimo weyn u leh shaqadaasi,Hormuudkaad aad wada shaqeyn doontaana wuxuu noqon doonna mid ku barri doonna camalada kala duwan ee maamulka hormuud jaamacaddeed,Mar wuxuu noqon doonna qof aad ka faa,ido wax badan oo noloshadda ka maqnaa,Marna wuxuu noqon doonna tusaale xumaanta iyo maamulka jilicda sani kaa soo raaco.wuxuu noqon doona muraayad la daawanaayo oo la wada arkaayo wuxuu sameynaayo iyo sida uu u shaqeynaayo intaba.waxa ka soo raaci doonta inta uu tallo qaadasho iyo furfurnaan qofnimo leeyahay.Maskaxda,siyaasadda,qorshayaasha,fulinta iyo meel marinta hawlahiisa shaqaaluhu wey daawanayaan,wada joogina iyo khibrada aad u leedahay intaad wada shaqeyneyseeen ayaana ku sahli doona in aad  sida google ogaatid waxa ka dhex socda maskaxdisa.xulashadiisa iyo doorashadiisa ayaad ogaaneysa,waxyaabaha uu xiiseeyo,kooxda uu gaarka u xulanaayo sida uu 4.5 ugu dhaqmaayo.ayaad aragtidaada ku darsaneysaa si aad u hesho dhaqan aad ku wada shaqeysaan. 

ma jiro qof wada dhammeystiran noloshani,laakin haddana caqligu waa in uu shaqeeyaa,Masuuliyiinta waxbarashadduna ay noqdaan kuwo u furan tallooyinka bahda waxbarashadda ka soo gaadhaya,Hormuudyadda jaamacaddaha somaliland ha ogaadaan in nidaamka  iyo maamulka waxbarashaddu meelo badan ku dul dumey oo ay dhex fadhiyaan.haatan waa hubaal in aan hormuudyo badan ku bari doonin wax badan oo mustaqbalka waxbarashadda u wanaagsan lkn ay ku bareen 4.5 lagu dhex qasey waxbarashadda,hormuudka aad wada shaqeysaan uga mahad naq waxtarkiisa wanaagsan,kana feejignow meydka maamulka waxbarashada uu xafiiska ku dhex jiid,jiidaayo dhiigiisa.dadka iyo nidaamka ay beeraan waxa xaaqi doonna oo meesha ka saari doonna oo aan waxba kaga tegi doonin Kuwa cussub  ee la qaato taasi oo ah iyaduna gef maamul iyo wada shaqeyn ay dadkeenu gallaan  Marka Xil Meel looga dhiibo xafiis.Inta wax ay is beddelataan raali geli, oo u dirno siddaasi ayey jecel yihiine. 

Abdifataah M.Ahmed 

Ceelaabe_10@hotmail.com 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker