Soomaalidu maxay la xanaaqdaa marka dhaliishooda loo sheego?

Noloshu waa isu adeeg iyo isu shaqayn. Qofka shaqaalaha ahi mar isagaa isu shaqayna oo haddaanu shaqa tegin waa masaariif beelayaa. Marna qofku dadka ayuu u shaqaynayaa oo shaqada uu hayo ee uu ka shaqaynayo ayaa adeegis ah.
Taajirka keena cunnada ummadda ayuu adeegaya, oo mar isagaa shaqaysanaya, marna mujtamaca ayuu wax u keenayaa oo  adeegis ah.
Bangiyada, cusbitaalada, kuwa dhimirka, kuwa bukaanka, hudheelada, makhaayada, dukaanada, kaalmaha shidaalka, shirkadaha isgaadhsiinta, shirkadaha laydka, dhammaan xafiisyada dawladda intuba shaqada ay qabtaan waa adeegista bulshada.
Hadaba dadka soomaalidu maxay la xanaaqaan marka dhaliishooda loo sheego, magac kasta, meel kasta, mansab kasta, iyo melgo kasta hala haadaane? Miyaan waxbaba innoo kordhan?
Dhaliisho wax bay saxdaa oo toosisaa; waxba ma xumayso ee dadka la dhaliilay ama adeega la cawday ayey wax weyn u tartas.
Weli ma  ku aragteen cusbitaalada, xawaaladaha,  hudheelada, iyo wasaaradaha dawladda  bogosyo loo sameeyey in lagu guro cabashada dadweynaha (Customer claims or suggestions)?
By: Jamafalaag
       Hargeisa, Somaliland

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker