Is bedel Samee Doorkan

Baahidu Waa Keenaha Hal-abuurka الحاجه ام الاختراع .

sida laga dheehan karo Ciwaanka aan kor ku qorey Waxa hubaal ah in ummadii waqtigu ku adkaado ay keento waddo ay uga baxdo silica iyo saxariirka haysta.
Waxay ummadaasi keentaa hal abuur cusub kaas oo u horseedi kara wadada horumarka iyo Tabaha guusha.

Hadaba Muddo 30 sano ku simman  waxa reer somaliland u oomanaayeen Maamul dhibirsan oo ka tarjuma baahida dhabta ah ee deegaanada ka jirta, waqtigaa rubuc qarniga ka badan ee diifta iyo darxumadu bulshada xagkasta ka haleeshay waxa soo maray fursado badan oo ay wax ku badeli lahaayeen.

Waxa jirta aayad kowni ah oo sunaha eebe ku cad taas oo xaqiijinaysa hadii aanu aadmigu is bedelin in aanu eebe weyne waxba ka bedelaynin noloshooda ان لله لا يغير ما بقوم حتي يغيرو ما بانفسهم .

8 sano oo golayaasha deegaanku joogeen talada si gaar ah kuwa caasimada ee hargiesa  waxa ina soo maray dib u dhac kii ugu baahsanaa xag kasta oo loo eego waxa la arki karaa duruufo nololeed oo aan indhaha laga qarsan karin kuwaas oo habeen iyo maalin muuq baahiyayaasha laga arko dad ku dhib qaba Maamulka golaha deegaanka.

Hadaba wax ma ka baranay Taariikhdii tegtay? Maanta diyaar ma u tahay isbedel gun iyo baar si aad horumar u gaadho?
Ma soo aragtey wixii laga dhaxley Siyaasigii tuuga ahaa ee aad reerka horjoogaha uga dhigtey?
Ma aragtay dayaca ka muuqda deegaankaaga?
Ma baratay waxa aad xaqa ugu leedahay qofka aad dooranayso?

Hadaba bulshooy dooro qof kuu shaqayn kara, qof garanaaya macnaha shaqada uu kuu qabanaayo.

Hadii kale sida aynu maanta u cabanayno si ka daran ayaa loo caban oo waxaynu gaadhi heer ay noloshu inoo soo urto oo macno Inoo sameyn weydo oo ay gaadho halkii qaasim ka gabyey ee lahaa:

-ummadaa xumaataan lahaa ha u arimiyeene
-ula jeedadoodaan arkay oo aayatiin ma lehe
-Awr heeryadii cunayba waa lagu ogaadaaye
-Imikey allow leeyihiin edeb la’aaneede
-isma eegto naag xumi halkay iin ku leedahaye
-malaase wey is moogyihiin inay obocda hoosaane.

 

W/Q: Cabdirisaaq Darwiish

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker