“Qaraxyadii Kambala waxaa laga soo abaabulay Soomaaliya” Madaxweynaha Uganda

Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa si cad u sheegay in weerarradii ismiidaaminta ahaa ee dhawaan ka dhacay Magaalada Kampala laga soo abaabulay dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

Museveni ayaa intaasi ku daray in Uganda ay heyso cadeymo ku aadan in weeraradaas ay soo diyaariyeen kooxo iska soo abaabulay Soomaaliya iyo Kenya xili uu wareysi siinayey Wakaalada wararka ee reuters.

“Waxaan haynaa calaamado muujinaya in Qaraxyadii Kampala, ay isku dubarideen kooxo ku sugan Kenya iyo Soomaaliya,” ayuu yidhi Museveni.

Kooxda Daacish ayaa masuuliyadooda sheegatay qaraxyadii ka dhacay Magaalada Kampala ee dalka Uganda oo inta la xaqiijiyay ay ku dhinteen lix qof halka 30 kalena ay ku dhaawacmeen.
Dhinaca kale,Madaxweyne Yoweri Museveni ayaa ballan qaaday inuu kordhin doono dadaallada lagula tacaalayo musuqmaasuqa sameeyay horumarka dalkiisa.

Museveni, oo talada haya tan iyo 1986-kii, kana mid ah hoggaamiyeyaasha ugu muddada dheer Afrika, ayaa sheegay in Uganda ay ka shaqaynayso sidii ay heshiisyo dhowr ah ula saxiixan lahayd hay’adaha gaarka ah ee Shiinaha ee bixiya deymaha qaybaha sida beeraha- iyo bacriminta-soo-saarka, warshadaynta macdanta iyo dunta.

“Shirkadaha reer galbeedka waxay lumiyeen indhahooda, ma haystaan indho ay ku arkaan fursadaha. Laakiin Shiinuhu waxay arkaan fursadaha, wayna yimaadaan, wayna garaacayaan, si aad ah ayay u soo socdaan,” Museveni ayaa u sheegay Reuters. Laakin (shirkadaha reer galbeedka) waxay ka dharagsan yihiin hanti, ma dhibsadaan.”

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker