Adhigii iyo Lo’dii Ugu Badnayd oo Xalay Ka Dhoofay Dekedda Berbera iyo Saacada Shaqada oo la Laban-laabay..

Maareeyaha Dekedaha Somaliland Md. Siciid Xasan Cabdilahi, ayaa Caawa Dekeda weyn ee Magaalada Berbera, ka amba bixiyey 121000 oo Adhi ah iyo 5000 oo Lo ah. Xolahaas ayaa ah xoolaha moosinka Xajka ee Sannaadkan tagaya.
Maareeye Siciid Xasan Cabdilahi, ayaa isaggu noqday shaqsi habeen iyo maalin dhextaagan Dekedda si u kala socodsiiyo hawlaha shaqo ee Dekeda, isla markaana waxa waxa uu saacad walbaa kala socodsiinayaa hanaanka maamul iyo midka shaqo ee u qaranka Wakiilka uga yahay.
Maareeyaha Dekeda Berbera Eng Siciid Xasan Cabdilahi, oo Ka hadlay baaxada shaqada Ka socota gudaha Dekedda, ayaa sheegay in si xawliya shaqadu u socoto, isla markaana hada ay Ka amba baxeen 121000 oo Adhiya iyo 5000 kun oo Lo ah, Maareeyaha Dekeda Eng Siciid oo arrimaha Ka hadlaya waxa uu yidhi, “.. Caawa waxa gudaha Dekeda Berbera ka socoto, shaqadii ugu waynayd, iyadoo hada ay naga amba baxeen 121000 oo Adhiya iyo 5000 kun, dhinaca kalena waxa dekedda Ka socdaa, oo la Roggayaa Markab weyn oo sida Sibidh”. Intaas waxa uu ku daray mareeye Siciid “Shaqada Dekeda Berbera  ka socotaa waa mid culus oo habeen iyo maalin ba ah, sida noo caadada ah dekedu waxay shaqaynaysaa habeen iyo maalin 24-ka Saacadoodba”.
Tallaabadan, ayaa ah mid horumar ah oo ay gaadhay Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi, kaddib markii Maareeye Siciid Xasan Cabdilahi Dekeda Berbera ka hirgeliyey nidaam casriya, iyadoo Dekeddu ay shaqayso 24-ka Saacadood ba hadh iyo habeen ba. Iyadoo aanay xilliyadii hore jirin nidaamka shaqo ee dekedda xilliga habeenimada, hase-yeeshee waxa qorshahan Ku guuleystay, isla markaana hirgeliyey Maareeyaha Dekedaha Somaliland Siciid Xasan Cabdilahi, oo noqday masuul isbedel iyo horumarka balaadhan gaadhsiiyey shaqada dekedda Berbera.
Teeda kale, xilliyadii hore waxay Dekeda Berbera shaqayn jirtay maalintii oo keliya, hase-yeeshee, isbedelkan hada ka hana-qaaday ayaa ah mid laban-laabay hawlaha shaqo ee Dekeda, waxaana si xawli ah u kordhay badeecadaha kasoo dega Dekedda iyo kuwa ka dhoofa.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker