Dibaatada gaadiidku umada ku hayo

in  badan ayaa waxa laga qorray  dhibaatada gaadiidku ku  hayo  bulshada somaliland

in badan  ayaa laga cawday in badan ayaa laga ashtakoodey laga murugoodey

in badan ayaa hooyo  toban caruura korineysey  gaadhi  booyadii  madaxa ka gooyey.

in badan ayaa ubax iskuulka dhigta  oo cimrigii ugu wanaagsanaa jooga  bas mid murqaasani wada xaga kale usula rogey.    

in badan ayaa  geesi  ama halyey ama dad ehlu khayr ah oo xajka ku socda meydkoodii jidka berbera  iyo  hargeysa  u dhexeeya  laga soo qaaday  oo guryo badan baroori isu baxday.

in  badan baan indhaha ka kqaaday  qaadhi  20 tan sida oo magaalada  dhexdeeda ku qalibmey  

in badan baan arkay  iska-rogo  80 km suuqa dhexdiisa ku soconay  oo dad  galaafatay

 in badan baynu  aragnay bas  maqaaxixi il yartu is qabatay  intuu dacalka ka soo galay 

20 qof geeri iyo dhaawac ka yeelay

In badan baynu aragnay gaadhi booliisku  leeyahay oo dameer gidaar ku ceejiyey

 in badan baynu aragnay   dhaawac dhakhtarada  yaal  oon geeri iyo nolol midnna ahayn  oo  shil baabuur geystey

dad aad iyo aad u faro badan  ayaa gaadiidka iyo wadooyinka  iyo dareewaladu  ay  gallafteen ama naafeeyeen

cruuraa ku agoomoobey ama ku rajoobey  ama ku naf waayey   dhibta gaadiiku geysto , waana joogto

gelin hore gelin danbe  iyo habeen walba dhacaya , dawlad wax ka qabaneysaana ma jirto waxaan ku talin

lahaa  umadu meel inay arinkaa uga soo wada jeesato  oo  dareewalka sixun gaadhiga u wada  haduu bas yahay

ay dadku iskaga  degaan  haduu nooc kale yahana  cidii argtaaba ay dhagxiso oo muraayadaha ka jebjebiso

waa gaadhiga  suuqa  iyo meel aan wadoba jirin sida waalida ah loo kaxeeyo sida kuwa qaadka sida ama

booyadaha biyaha sida iyo iskarogooyinka suuqa dhexdiisa is baacsada   hadaan dadweynuhu meel  uga soo wada

jeesan  wax xaqiiq ah  in dad badan oo danbena ku naf waayayaan  qaarna ku naafoobayaan ,

midna ku darsada xisaabta  gaadhi sabab la’aan wax uma dilo   boqolkiiba 99 sababta dareewalkaa leh

1= isagoo xoog u socday  2= isagoo lulooday 3 = isagoo murqaansan ama sakhraansan

4 = isagoo gaadhigiisa  wax ka xunba ogeyn sida bireega taayirada   abwaasha gaadhiga isku xejiya

5= isagoo ceeryaamo  ama dhedo  aanu wax arag soday

6 =isagoo mid kale la tartamay

7=isagoo aan wadada iyo waxa soo socda ama daba socda  midna aan eegin oo heeso dhegeysanaya

   Ama taleefan ku hadlaaya  ama hawo kale iyo hami ku jira

8= isagoo  wado weyn  iska galay  isagoon istaagin hareerahana eegin

9= isagoo istaagey  meel aan laystaagin

10=isagoo dib isaga socday isagaan wax hubsan

11=isagoo  xamli aanu qaadi karayn saaray oo uu la dheeliyey

12= isagoon cinaba cabsi ka qabin oo uu siduu doono u socday

13= isagoo saaray wax ka daadanaya oo baabuurtii ka dabeysey qalibey ama wax yeelo u geystey

14= isagoo wadada kaga tegey dhaxaan waaweyn oy ahayd inuu celiyo  markuu ku hawl dhamaysto

15= isagoo indho la’aan ku guureeyey ama il gudha  

Lama tirin  karo   wax yaabaha shilka keena oo oo dadku u sabab yahay intaasaa kaaga filan

Waana inta ugu badan ee shilku ku yimaadaa,

Dadkaa  hawshaa dawladu u igmatey  ma yaqaaniin waxaan ahay waraaqdii baa kaa dhacday

Iyo wax noo dhiib lama arag gaadhi sixun u soda oy qabteen ama khasireen, anigu ma aqaani

Runtii wax ay umada u qabtaan  hadana sawirkooda inaad aragtaa waa wax loo baahan yahay

Si kastaba ha ahaatee  fara xun baa gaadiidku inagu hayaa  waa in la ogaadaa waa in laga

Hadlaa  waa in iskuulada ardayda  la gaadhsiiyaa  dhibaatada gaadiidka si ay uga feeji gaadaan

Dawladana waxaan ka codsanaynaa  hadii ay dadka lex jeclo ka hayso  ugu horayn waa inay samaysaa

Baarkino basaska laga dego lagana fuulo  oo baska diida talaabo culus laga qaadaa  waa inay

Speedka ama xawaara xakamaysaa  labadaa arimood waa inay aminka ku kacdaa wixii kalena

Waa isku soo gaadh ,,,,,,, dhuuuuuuukiye 

 

 

 

mohamed mireh

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker