Warbixin ku saabsan dabkii burburiyay suuqa Jigjiga

Dab xooggan oo xalay saqdhexe ka kacay suuqa weyn ee Taiwaanka ee magaalada Jigjiga ayaa gabi ahaanba baabi’iyay suuqaas, ilaa hada lama sheegin dad wax ku noqday dabkan balse waxaa jira khasaare hantiyeed oo dabkan uu gaystay waxaa jira gurmad ka yimid magaalada Hargaysa.

Dabka ayaa in la damon waayo waxaa sababay dabaylo xoogan oo dhacayay xalay.

Waxaa goobta saakay booqday madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar, isagoo bulshada la wadaagay dareenkiisa waxa uuna sheegay in ay tahay musiibo Rabbaani ah.

Waxa uu sheegay inay bulshada la wadaagayaan musiibada dhacday iyadoo uu madaxweynaha xusay in xaalada la la socon doonaa oo lasamayn doono guddiyo si loo ogaado khasaaraha, qaybna ay ka noqon doonaan dadaalada dadka lagu taageerayo iyo dib udhiska.

Si kastaba ilaa hada lama oga waxa sababay dabkan xalay ka kacay suuqa Taiwaanka magaalada jigjiga iyo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dabkan.
Dawladu ayaa sheegtay in la sameynayo baaritaann.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker