Isaaqoow,aad na tirinsaane,imisa ayaad naga dhigaysaan?

Waxaa laysku hayaa dawlad wada yeelasho,oo ah awood qaybsi.Dadku waxay u kala deganyihiin Beelo,Beel waliba waxay leedahay magaceeda,dhulkeeda iyo dadkeeda.beelina  – Beesha kale uma samaynkarto Suldaan ama Ugaas.Sidaa oo kale Beelina – Beel kale uma dawladaynkarto.Laakiin waxaa haatan dhacay waxaasi  aan soo sheegay oo dhan.Yeelkeede waxay ku dhaceen Beesha Samaroon.Marka ay ka hadlaan in laga hadlo siyaasada wax wada lahaashaha,waxay Siyaasiyiinta Beesha Isaaq u yeedhaan Odadhaqameedka Samaroon.Hadii ay kuwaasi wax diidanaa,waxay u yeedhan kuwo kale oo iyagu ay samaysteen.Ogoow,ma waayaysid nin Ciro le oo aad u yeedhato,sidaa  awgeed waad ogtahay in aan la waayayn qof Oday ah oo meelahaasi laga soo kaxay,deedna Tvyada laga soo daayo.40 jir  hadii uu cimrigaagu gaadhay waxaa kuu yeedhanaya Siyaasiyiinta Beesha  si ay kaaga saxeexdaan waxa ay rabaan(Oday-dhaqameedka beelaha Reer Awdal)
Midda kale ee yaabka badan ayaa ah in Siyaasyiinta Beesha Isaaq ay iska indhotiraan inay siyaasada soo galaan aqoon yahayanka samaroon ama dhalinta Samaroon.waa yaabe e waxaa taasi ka sii daran inay Beesha Samaroon diyaar u yihiin inay Beesha Isaaq tiriso oo tirokoobto.Taasi macnaheedo waxaa weeyi,aan ku tiriyo oo inta aan doono aan kaa dhigo.Tirada iyo tayadaba waxaa Samaroon  h haya Beesha Isaaq.Qofka ay rabaan ayay soo gashadaan Siyaasada – xataa hadiiba aanu galinba ischool ama uu ahaaba nin aan waligiiba shaqo tagin.Tayada Beesha Samroon ee siyaasada Somaliland waa mid  soo marta Beesha Isaaq oo halkaasi lagu soo kariyo.Haatana waxaaba socda inay yidhaahdeen;waa layni tirindoonaa,kadibna tiradiina ayaad wax ku helidoontaan.Kii wax idinka dhxeeyeen ayaa ku tirinaya.Inta uu doono ayuu kaa dhigayaa,10 000,5000 ama 23000,bal noo sheega inta aad naga dhigaysaan tiro ahaan.
Waxaan u soo jeedinayaa dhalinta samaroon in aanay yeelin in lays tiriyo.waa in Beel ahaan wax loo qaybsadaa.
Aduunka dadka Beelaha wax ku qaybsadaa isma tiriyaan.Beelina Beesha kale ma tiriso – saa taasi waxay ka dhigan tahay inta aan doono aan kaa dhigo.
Waa in laga tigtoonadaa arintaasi – saa waxaan nahay ama ahaan jiray Beelo wada yaala.Hadii wax la qaybsanayo – waa in sidaa ay tahay wax lagu kala guusto.
(Wbt)
Axmed Adan Xeseen,Luton Uk

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker