Aqoonyahan iyo Caamaba, Ma Madaxda uun Baynu Caynaa? Mise Yool Fog Baynu hiigsannaa? Qalinkii: Sadam Osman Kaabash.

Madaxdu waa koorta iyo astaanta shacab leeyahay. Sidaa darteed,  waxa lagu tixgaliyo ummada meel ku nool waa  maamuuska loo hayo madaxdooda. Aaraar gaaban kadib. Somaliland shacabkeedu waxay doortaan mar walba dad madaxa oo hogaamiya, sida madaxwayne,  suldan golaha wakiillada iyo cuqaal. Dhamaantoodna uma eegaan aqoontooda, kartidooda iyo taariikhdooda. Laakiinse, waxay sameeyaan arrin cajiib ah, qariibna ku ah cid kasta oo doorata madax si’ ay majaraha ugu qabtaan. Arinkaynu ku doorano madaxdu waa qabyaalad iyo qaraabo-kiil taas oo dhaxalsiinaysa in qofkaasi samèeyo ficilkasta oo dawladnimada liddi ku ah. Qabyaaldda oo uu sii buunbuuniyo, musuqmaasuq, eex, boob hantiyeed, ku-xadgudbidda sharciga, ku ol’ololaynta dhiillooyinka caadifadaysan, iyo  masiirka umadda in uu ku danbaysiiyo is-nacayb reerba reerka kale shaki ka qabo,  isna aamini waayaan, cadaawad hoosena ka dhex abuuranto keentana in aan siyaasadda laysku aaminin. Siyaasiyiintu inta badan qoladay doonaan ha ahaadaane, waxay ku qadhaabtaan yaa reer hebelaay? ama waxay isticmaalan jeebkood iyagoo ugu quus gooya kuwa ay saaxadda ku loolamayaan lacag ay isticmaalan una qaybiyaan koofiyad baclayaasha. Marka loo caleemo saaro loona dhariyo xukunkan waxay sameeyaan qabyaaladaysi iyo in ay dadka kala fadilaan reerahana soo kala dhowystaan qaarna ku tilmaama aar-libaax qaarkalena miciyo dacawo. Tusaale,  siyaasigu markuu musharax yahay waxa afkiisa ku bata af-gobaadsi iyo sasabashada ay ku hayaaan beelaha ka soo hor jeeda. Intaasi oo dhami waxay god madaw ku rideen rajada umadda,  wax garadka iyo inta mustaqbal doonka ah. Waayo waxa wadanka madaxdiisa qabsada siyaasi rajo gaaban iyo xulafo dhaameelkii ka daatay guranaaya mustaqbal saxana aa lahayn.

Gunta iyo gunaanadka, si’ maamulka iyo is-la xisaabtanku u noq mid heerkiisii jooga oo aynu ka nabad galno siyaasi arxan daran, hilinka inoo furan waa in aynu jeexno waddo kale oonka geddisan tan aan maanta dulyuururno. Maamul kasta oo kursigeena yimaadda waxa uu ka imaanayaa musuqmaasuq, eex, qabyaalad iyo been. Sidaasna waxba ku hagaagi maayaan. Maxaynu nin aynu bilo ku dooranay ceebtiisa u sii faahfaahin.

Sadam Osman Kaabash.
Hargeisa, Somaliland
Degmada: Mohamed Mooge.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker