“Way Ku Fashilmeen Guddiga Heer Qaran Ee COVID-19” Shacabka Magaalada Hargaysa

Qaar kamid ah shacabka ku dhaqan Magaalada Hargeysa ayaa si weyn uga horjeestay Guddidii uu Madaxweyne Muuse Biixi dabayaaqadii sannadkii 2019-kii u Magacaabay ka hortaga cudurka Karoona Fayras,waxaanay sheegeen in aanay kalsooni ku qabin Guddidaa,halka ay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ka codsadeen inuu baddelkooda Magacaabo.

Shacabka Magaalada Hargeysa oo la hadlayey Telefishanka Star ayaa waxay haddaladoodii kamid ahaa kuwan:-“Guddidaas uu Madaxweynuhu Magacaabay ee Saylici hoggaamin jirray lacago hore ee loo dhiibayna meel ay marisay lama hayo shaqadeediina kama soo bixin dadkiina wacyigelin umma samayn , hal hal gaadhi ayaa lagu wareejiyey Magaalooyinka oo karoonaha ka digaya, hal halkaa gaadhina wax yar oo Lacag ah ayaa ku baxaysay, laakiin Lacag baddan oo malaayin ah ayaa loo dhiibay malaayiintaa meel ay marrisay lama garanayo .” ayey yidhaahdeen

Dhanka kalene shacabka ayaa sheegay in guddidaas aanay qaybin afsaarkii , isla markaan aanay wax wacyigelin ah samayn,iyagoo ku eedeeyey in guddidu ay wax kasta lacag ka dhigeen“ Wacyigelin may samayn may qaybin afsaarkii wax kastana lacag ayey ka dhigeen,markaa waanu ka soo horjeednaa wax-yaabaha ay samaynayso guddidaa ka hortaga karoona fayrasku ,Madaxweynaha Somaliland waxa aanu ka codsanaynaa in guddi cusub uu Magacaabo arrimaha karoona fayraska , maddaama guddidii hore aanay shaqaynayn” ayaa kamid ahaa haddaladoodii

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker