Beesha Caalamka Oo Farriin U Dirtay Guddiga Farsamo Ee loo Xil-saaray Shirka Jabuuti.

Saaxiibada Soomaalida  ee Caalamiga ah ayaa soo dhoweeyay Wadahadalka u dhexeeya Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed ‘Farmaajo iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, iyagoo marti galinta shirkan uga mahad celiyeen Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed Cali oo kaalin ku lahaa fududaynta wadahadalada.

 

Beesha caalamku waxay Bogaadisay taageerada iyo wada-shaqaynta gobolka ee horseedday wadahadallada.

 

“Waa tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo wada-Xidhiidhka laguna kobcinayo is-fahamka, waxaanan guddiga farsamada ee ay magacaabeen Madaxda ugu sarreysa ku dhiirigelinaynaa inay faa’iidooyin la taaban karo u soo hooyaan dadkooda,”

Ayaa lagu tidhi bayaan kooban oo kazoo baxay saaxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya.

Wadamada iyo Iyo Ururada Bayaanka Soo Saaray ayaa kala ah . Sida Tan

 

*Belgium, Boland, Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska, Canada, Denmark, Dowladda Mareykanka, Faransiiska, Finland, Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Ireland, Japan, Midowga Yurub, Netherlands, Norway, Shiinaha, Sweden, Switzerland, Talyaaniga, Turkiga, Uganda, Urur-Goboleedka (IGAD), Qaramada Midoobay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker