Guddiga QM: Itoobiya waxa ay hub u qeybisay maamul goboleedyada Soomaaliya

Muqdisho (OWN) – Guddiga Khubarada kooxda QM ee daba-galka Soomaaliya (UN Monitoring Group) ayaa shaaca ka qaaday in Maamul goboleedyada Soomaaliya ay dalka Itoobiya ka heleen hub sharci-darro ah, Xilli Soomaaliya ay weli qeyb ahaan saaran tahay xayiraada hubka.

Warbixinta Guddiga ee sanadkan  2019, oo ay si gaar ah u heshay Oodwaynemedia ayaa shaaca ka qaadday in guddiga uu helay dokumentiyo caddeynaya in shirkadda Metals and Engineering Corporation (MetEC) oo ay leedahay dowladda Itoobiya ay hub iyo rasaas badan siisay dhammaan Maamul goboleedyada Soomaaliya.

Gudiga ayaa sheegay in arirntan aysan ahayn sanadkan oo kali ah , balse ay soo socotay tobankii sano ee tagay.

Guddiga ayaa sheegaya in inkasta  oo Qodobka  11-aad ee Qaraarka 2111 ay dalalka caalamka u ogolaanayso inay hub siin karaan haya’daha amniga Soomaaliya ee ka baxsan dowladda federaalka, haddana ay qasab tahay in marka hore ay ogolaansho ka helaan guddiga. Dowladda Itoobiya marnaba ma weydiisan ogolaansho, ayey tidhi warbixintani.

Dhinaca kale, guddiga ayaa ku ammaanay dowladda Soomaaliya inay inta badan u hoggaansantay shuruudihii qeyb ahaan looga qaaday xayiraadda hubka, inkasta oo ay jirto marar ay ku guul darreysatay.

“Shan ka mid ah toddoba goor oo dowladda ay guddiga soo ogeysiisay hub ay keensaneyso, waxay buuxiyeen shuruudihii golaha ammaanka” ayaa lagu yidhi warbiixnta guddiga oo ay aragtay Oodwaynemedia.

Waxaa Soo Turjumay Suxufi Sinyoore

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker