Warkii Falashanimada Heego Oo Isa Soo Taraya…..

QOLADII HORE U AKHRIDAY MAQAALKII HORE EE MOODAY INAANU ISKA HADLEYNO QOLADII DALKA CANADA JOOGTAY QAAR KA MID AH MARKII WARKA SARE LOO QAADAY  AMBUSHKA WA KA SOO BAXEEN WAA HEEGO IYO HEEGO GARGAAR DOONAYA SOMALILAND INAY FALASHA KA DHIGAAN MUWAADIN SOMAALI BAAD TAHAY ADIGOO SOMALIWEYN KU BIIRA SIDAA HARTI AYAA LAGA QAATAY FALASHA IYO QABIIL REER BINU ISRAEL AH OO AANAD AHAYN NOQO …….WAAR NINKAA AH  AFRICAN TYCOON AHMED OSMAN GUELEH ARABE WUXUU KASOO SOO JEEDA SAADADA ARAB ASHRAAFTA AD ADAG EE KUWAN HEEGO EE FALASHA SHEEGANAYA MA ISKA DIRNAA DJIBOUTI TRANSIT HA KUSII NOQDAAN EE ……. YEELKEEDE ………….. BAL VIDEO-GAN HOOSE EEGA IYO NINKAN MURARA DILAACA AH  WUXUU SHEEGAYA MAGACYADA GUDOOMIYE FAYSAL CALI WARAABE IYO HORJOOGE CALI KHALIIF GALAYDH TOLOW IYANA MA FALASHA AYEY KU BIIRI DONAAN WAAR YAANU SUCUUDIGU XAJKA IDINKA MAMNUUCIN EE NINKAN MAGACAYDA NOO DAA DHAHA, NINKAA VIDEO-GA KA HADLAYA ALLAH HA U SAHLO OO KHAATUMUL CIMRI BUU KU JIRAA EE ALLAH TOOBADA HA KU SUGO , WAAR AMIIN DHAHA  …../.

MAQAALKII HORE WAA KAN .

HEEGO oo sheegatay inay FALASHA tahay ama Yuhuudii Ethiopian ka ahayd say wax u jiraan waa yaabanayn markii la yidhi Fanaanad Nicmo Yasiin Caraale waxay kasoo jedaa beesha Sacad Muuse tasoo YIBRAHA mudo dheer lagu xaman jiray inay FALASHA yihiin waar hooy Heegooy  anaastii reer Bini Xaniifa ayey sheegtaan waa Yemen Falasha shuqul kuma laha …..

Shalayto Suldaan Xasan Waji Xun The Scarface iyo Boqor Buurmadow waxay sheeganayeen Oromo oo Afogaadhoyaal ayey qaabilayeen tolow ma wadadaa Falashaha ayey xaadhayeen waar Beelweynta Habar jeclo Falaasha noqon mayso ee wax kale noo sheega Togdheer bay ka timoo Qura’aan baynu saaraynaa …………Heegada   Hargeysa mid ha ku darsato Israel Falashaha way qadaa markaa shandadaha sii xidhxidha tolow ma kala hadhnaa Sheekh Aadan Siiro  …….

Lakiin Sheekh Cabdiraxmaan Maxamed Cali ( Sheekh Cabdiraxmaan Dheere ) culimada waa iska ilaalinaa lakiin kani  qabiiliste xun ah ayuu u eg yahay Sheekh Cabdiraxmaanow xaarami yahow maxaad bari uga xishoon wayday sideed Garyaqaan Guleed Axmed Daafac u tidhaah xeer qoys buu keenay waar ka saxeexay miyaanu ahayn adeerkaa Jaalle Muuse Biixi Cabdi Sheekh Cabdiraxmanow diyaarada Falashaha  qaadaysa first  class baanu ku saarraynaa  Insha’a ALLAH,……… Yeelkeede.

·         Sadex shay oo mucjiso u eg baa dhacay ayaamihii ina dhaafay midi waa nin la yidhaah Sheekh Cali Dheere oo ah  Afhayeenka AL-Shabaab ayaa cambarayn la holin kari waayey dusha kasaaray ninkii New Zealand Muslimiinta ku xasuuqay Sheekh Cali Dheere isagoo hadalkiisii sii wata wuxu tacsi kal iyo laab ah u diray dadkii iyo eheladoodii meesha lagu gumaaday markay sheekadu halkaa marayso Sheekh Maxamuud Shibli ayaa hayn kari waayey waalida meesha ka socota markaasu yidhi Sheekh Cali Dheerow Masaajidka ciyaarta ka daa war adigu dadka aad laynayso gormaad u tacsiyeyn doontaa idinkuna aad is cambarayn doontaan ileen Gaal Muslim dilay Muslim Muslim dilay baa ka liita  ee…..

·         Arrinka labaadi waxay ahayd horjoogaha Heego Jaalle Muuse Biixi Cabdi oo xukkumadiisu hal beel tahay , qandaraasyada hal beel siiya , Garsoorku Hal beel yahay , ciidanku hal beel yahay , Tujaartu hal beel wax waliba kooto loogu xidhay oo ay gidigood Beesha Jaalle Muuse Biixi Cabdi yihiin oo la wada ogyahay ayuu khudbad ka jeediyey golayaasha hortooda khudbada qaadi dhigi maayo horaa dad badani u qadaa dhigay lakiin waxaan sheegayaa markaan khudbada iska xidhay een idhi kaso qorayna waa walaa schizophrenic buu ahaa ka akhriyaya khudbaduna wuxuu akhriyayo lama socdo oo afkiisa iyo dhagihiisu isma maqlayaan……….. Duqa Muuse Biixi Cabdi ihi isagoo dalkii hal jifo ka dhigay ayuu khudbadaa yidhi  QABYALADII BAAN LA DAGALAAMAY OO FANAAN MAXAMED SICIID B.K AYAAN GOBOLADA DALKA U DIRAY wuxuu sheegayey qandaraas wiil uu adeer u yahay  oo SagaJet leh Heegada Hargeysa na ka tirsan uu siiyey Fanaan Maxamed Siciid B.K lagu qurxiyey, lakiin ninkii qabyaalada daacayey siduu u yidhaah qabyaalad baan la dagalaamay ?! waxay kasoo wada baxday tani Jaamacada Indho Cadays iminkana Falaasha ayey sheegatay…

·         Arrinka Sadexaad wuxuu ahaa Heego oo suuqa soo gelisay inay wafdi ay u dirteen Israel iyadoo Israel 1960 ina ictiraaftay Somaliland ahaan , ictiraafkaasi waa been ma jiro Jaamacad Indho cadays ee Heego ayaa tariikh been ah samaysay iyakoo leh 35 dal ayaa ictiraafay Somaliland 1960 iyo shanta dal ee veto powers  ka ah  United Nation ka gidi way dafireen oo xataa China Affidavit bay kasoo saartay 2007 , Ingiriiska ayaa ugu dhawaa oo yidhi maan ictiraafin Somaliland ee midnimada ayaan ugu tahniyadeeyey ay la midobeen Koonfur Somaliya.

Runta waxay tahay in Israel markii United Nations ka laga codaynayey kee lasiiyaa xornimada oo uu Talyaanigu Xornimada siiyaa ma Liibiya mise Koonfur Somaliya oo labadaba Talyaanigu gumeysan jiray markii codka la qaaday Israel waxay u codeysay Koonfur Somaliya in Xornimada la siiyo iyakoo ku jiqsiinaya Liibiya ……

Xiligan ay doorashada Israel ka hadhay 19 cisho iyadoo hore loogu eedeeyey RaysalWasaare Benjamin  inuu Cilaqaad been abuur ah uu sheegtay oo uu la sameeyey Somaliya  tasoo mudo ay qadaa dhigayeen media-ha Israel markaa wax ku kalifi kara inay dawlada Israel soo casuunto dad Somali sheeganaya ma jirto waxa laga yabaa markii uu gubay Macaali Wasiir Guribarwaaqo kaydkii data-da ee  telefishanka Heego dhawr asbuuc ka hor inay back up u doonteen Israel  waayo barigii hore Israel ayaa ka kirayn jirtay Satellite ka caalmiga ah Somaliland intaanu Madaxweyne Silaanyo usoo wareejin Thailand .

Walaaltinimada iyo Falaasha sheegashada Heegada Hargeysa shalay may bilaaban beri hore Dalka Kanada ayey isku dayeen inay xidhiidh noocana sameyaan Dawlada Masar ayaa kala eriday waayo dawladaha Carabtu iyakaa habeenkii u dusa Jerusalem marka ma ogola inay cidi uga dhawaato waa sida Heegada Hargeysa ay Habeenkii Xamar ugu dusto maliintiina u cayaan iyadoon Heego ogolayn in cidi  Xamar uga dhawaato .

Maqaalkan akhri hadaad inta hoos ku qoran ku qortid browser-ka wuu kusoo baxayaa ..

Israel and Somaliland – long-lost brothers? – Opinion – Jerusalem Post by F. HUSSEN ~ 19 November 2018

Walaaltinimada Falaashaysan waxa noo cadeeyey maqaal aanu bishii November  2018 ka akhrinay Jariidada Jerusalem Post ninka maqaalka qoray waa Heego  waxa la yidhaah Jaalle Faarax Xuseen wuxuu sheegtaa arday iyo baayacmushtari ku nool Hargeysa inuu yahay waxa meesha uu ku qoray waa ra’iyigiisa Jariidada Jerusalem Post shuqul kuma laha xataa isaga maqaal kamay qabateen ee waxa u fududeysay hay’ad aanu diidayno magaceeda in aanu sheegno oo Hargeysa joogta  …….. xataa maqaalka maanu dooneyn inaanu keeno lakiin markay Falaasha sheegteen ayaanu keenay ……….

Maqaalku waa iska nacnac ta ugu darani waa sawirka saaran , sawirka ayaanu u qaadan waynay sawirku waa qarax ka dhacay jidka Maka Mukarama ee Xamar waar haduu sawir qurux badan oo Hargeysa ah saari lahaa ma ciil baan qabi lahaa …….. Waar hadaad rabtid la walaalow Israel oo Falaasha noqo hadaad tahay beesha degta min saaxil ila 26 June to Gabiley  lakiin maxaad dhiiga Somaliyeed meesha ugu sawirteen ….. Hadaanu nahay Beelweynta Garxajis ee xorta ah Garhajis Nation walaalkay waa ninkaa Hawiye ee Xamar Ku qarxaya haba iska caqli xumaado ee …

Nin iska qaab daran caqli badan aan u saxiib ahayn oonu u malayneyno inuu Macaali Wasiir CabdiCasiis Samaale adeer u yahay oo  Lo’o ilaa Sadex sac meel ku haystay ayaa maqlay Somalida Geela Dhaqata oo leh yaa MAALI JIRAYEEY markasuu Jaalle CabdiCasiis Samaale adeerki isna yidhi  maalintii dambe Yaa MAALI JIRAYEEY MARKASUU ASKARI GARXAJIS AH OO DAABIYADA JOOGAY YIDHI DEE ADIGA IYO XAASKAAGA markaa Heegada Hargeysa waxaanu leenahay Israel doorashadeeda ha dhex boodina dibna yaan la idiinka maqlin YAA MAALI JIRAYEEY …..!

 

 

Ahmed Jigga

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker