Dawladaha Ruushka iyo Shiinaha oo Joojinaya Isticmaalka Lacagta Dollarka

Wargeys ka soo baxa dalka ruushka ayaa shaaca
ka qaaday in saraakiil ka tirsan dowladaha
Ruushka iyo Shiinaha ay saxiixeen heshiis labada
dal ay meesha uga saarayaan isticmaalka
lacagta caalamiga ah ee Dolar-ka Mareykanka.

Labada dal ayaa
waxaa ka dhaxeeya
heshiis ganacsi
waxayna doonayaan
in ay wax ku kala
Iibsadaan
Lacagahooda.

 

Jaraa,idka The
Izvestiya ayaa
daabacay in horaantii
bishan June ay
heshiiska kala
saxiixdeen wasiirka
maaliyada ruushka
Anton Siluanov iyo  dhiggiisa  shiinaha Yi
Gang.

 

Wargeys-ka ayaa
intaa ku daray in
heshiiska uu yahay kii
ugu horeeyay oo
labada dhinac ugu
gogol xaadhayaan
dadaalada ay ugu
jiraan adeegsiga
Lacagahooda.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker