Dawlada kenya shaacisay inuu dib U dhacay Kulankii Madaxwaynayaasha Somalia iyo kenya

Dowlada Kenya ayaa shaaca ka qaaday in dib u dhac ku yimid kulan la qorsheeyay in magaalada Nairobi ee caasimada Kenya ku dhax maro Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

Wasaarada Arrimaha Dibbada Kenya ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegay in dib u dhac ku yimid kulankii dhax mari lahaa Madaxda Soomaaliya ,Kenya iyo Itoobiya, mana sheegin Wasaarada sababta rasmiga ah ee dib u dhaca kulanka keenay.

 

 

Qoraalka kasoo baxay Wasaarada arimaha Dibadda Kenya ayaa lagu sheegay duruufo aan laga fursan Karin awgeed uu keenay dib u dhaca ku yimid kulanka Nairobi ku dhax mari lahaa kulanka Sadexda Madaxweyne.

 

 

Dowlada Kenya ayaa magaalada Nairobi ku marti qaaday Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’isul Wasaaraha Itoobiya, waxaana la badan masuul kulan looga hadli lahaa xiisada Soomaaliya iyo Kenya la yeelan lahaayeen Madaxweyne Uhuru

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker