MAANSO Ramadaan

Waxa  aan  salaamayaa  warbaahinta  Madaxa  bannaan  Waxa  aan  salaamayaa  umadda Islaamka  meel  ay  joogaan ba Ramadaan  mubaarak  sannad  walba Idinkoo  khayr  iyo  Baraka ah

 

Waa  halabuur  wax  sheeg  iyo

Waano  ramadaan

Waa  ayaama  barakale

Iftiin-keenna  dunidiyo

Waa  bishii  ilaahay

Axkaam-tiyo  ( QUR,AAN ) kiyo

Soo  rogay  ammaan-kaa

Dadku  eeganaa-yee

Intifaaca  laga  helo

( AL-RAXMAAN ) siduu  yidhi

Wuxuu  aadmi  falo  khayr

Isagaa  dhammaan-ba  leh

Bishan  amarka  weynee

Umadaha  la  yidhi  soon

Ilaa  yoom  idlaadoo

Eedaanka  fiid  kii

uu  adimayo  shiikhii

wax  afkaa  la gelinayn

Wuxu  yidhi  anays-kale

Ajarkeeda  bixiyoo

Mana  iisho  ruuxii

Siday  tahay  u  aadaa

ilaaqaha  denbiga  dhala

Yo  afxumaba  joojee

Edebtiyo  xishood  kiyo

Ahlul  khayrka  weheshada

Dan yar tiyo  agoon  tiyo

Ubadkaa  derbiga  yaal

Eegmada  kalgacal  iyo

Yaan  ogaalka  laga  tegin

Ka  adduunka  haystaa

Faqiirkaa  agtiisa ah

Lagu  eega  yaayoo

Imtixaan  ( RABBAA ) jira

Haka  awdin  dhega-hoo

Isha  yaad  ka  lalinine

Adigay  dankuu  tahay

Aa  wadood  denbiga  badan

Oo  gadaada  yaaluu

( ALLA  ) kaaga  dhaafaa

Ajar  buuran  baa  yaal

Waxaad  maal   abuurtee

Ka  amuugan  dacalada

Intaad  sadaqaday-saad

Abid kaaba  leedee

Balsidaa  ogsoonaw

Axsaan  tiyo  wanaagiyo

Eraygii  xishmayn-laa

Samo  kuu  abuuree

Afka  bara  jacayl-kiyo

Hadal-kii islaam-nimo

Ifka  laguma  waaroo

Aa  khiraa  danbaysee

Yaad  urursan booliga

Sida  looga  eed  baxo

Manta  aadamaa  jira

Addoo  weeye  daacada

Satalayt  adduun-kaa

Wax kastaba  arkaayoo

Lama  aamusiin  karo.

 

 

Curiye  .  waa  .  moholin

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker