Guri Barwaaqo Isagaa Gubay Xafiiska is Gaadhsiinta Warfaafinta Daliilkeediina Waa Kan.

Guri Barwaaqo Wuxuu Ahaa Ninkii Amarka Ku Bixiyay inaan Telefiishanka iyo idaacada Laga Sii Deynin Hadalkii Taliyaha Dabdamiska iyo Wasiir Xigeenka Amniga Galabtii Shilka Gubashadu Dhacay.

Waxa La Yaab Leh In Wasiirkii Hore Ee Warfaafinta AHN Guri Barwaaqo Madashii Xil Wareejintii Kaga Hadaaqay,Been Abuur Uu Kula Kacay Shaqaalaha Wasaarada Warfaafinta,Oo Garashadiisa Gaabani U Sawirtay Inuu Aar Goosi Ka Dhigto,Kolkii Uu Ku Fashilmay Hawshii Loo Igmaday Muddo Sanad Iyo Badh Ah Oo Uu Joogay Wasaaradaasi.

1-Wasiirka Oo Malaha Hilmaamay Maah-Maahdii Ahayd Waran Kugu Soo Noqon Doona Lama Rido,Waxa Uu Madashaasi Ka Yidhi, Xafiis Cusub Oo Warbaahinta Lagala Socdo Oo Aanu Kusoo Kordhinay Wasaarada Waxa Gubay Shaqaalaha,

2-Sidoo Kale Waxa Uu Yidhi Idaacadii Waynayd Waxa Gubay Shaqaalaha Iyadoo Qof Aan Aqoon U Lahayni Shiday.Isagoon Waxba Weydiin Dadkii Aqoonta U Lahaa Kadibna Ay Sidaasi Ku Gubatay.

Hadaba Xaqiiqadu Waxay Tahay Wasiirkii Hore Gbarwaaqo Weedhahaasi Ciil-Qabka Ah Ee Uu Halkaasi Ka Sheegay Waa Been Cad Oo Aan Sal Iyo Raad Toonna Lahayn Oo Uu Cambaarayn Itaalka Uga Dhigayo Shaqaalaha Oo Uu Rumaysan Yahay Inay Garabkiisa Ka Baxeen Mudadii Uu Meesha Joogay.

Xafiiskan Uu Sheeagay In Shaqaalihii Ka Hawl Gelayay Gubeen,Waxa Uu Kusoo Biiray Wasaarada Xilli Dhowr Bilood Imika Laga Joogo,Waxaana Ka Hawl Geli Jiray Xubno Ka Mid Ah Shaqaalaha Oo Weliba Qaarkood Shaqaynayeen Mudo Ku Dhow 40 Sano,

Sabab Alaale Iyo Sabab Kelifaysay Inay Gubaan Goobtii Ay Ka Shaqaynayeen Caruurtoodana Ka Quudinayeen May Jirin,

Sheekaduna Waxay U Muuqataa Intaanay Kugu Tufin Adigu Ku Tuf.

Waxase La Yidhi: Midho Nin Aan Cunin Maqabtaan.

Maxaa Yeelay Shaqaalaha Wasaarada Intooda Badan Kolka Aad La Sheekaysato Waxay Qabaan In Wasiirka Iyo Kuwa Maamulka La Wadaagaa Ka Danbeeyeen Gubashada Goobtani.

Waxaanay U Cuskanayaan Tuhunkaasi,Xafiiskan Oo Sidaan Soo Sheegay Kusoo Kordhay Wasaarada Intii Uu Guri Barwaaqo Joogay,Waxay Masuuliyiinta Wasaaradu Mediaha Gashadeen Sidoo Kalena Shaqaalaha Laftooda Kusoo Dhex Tureen Inuu Yahay Xafiis Aad Muhiim U Ah Oo Dhaqaale Badan Oo Gaadhaya Ilaa Boqol Kun Oo Dollar Lagu Qalabeeyay.

Nasiib Darro’se Xafiiska Ay Dhegaha Dadka Ku Ridayeen In Lagu Qalabeeyay Boqolkun Oo Dollar,Waxa Gudihiisa Yaallay 6 Shaashadood Oo Ay Ugu Tala Galeen In Tv-Yada Afka Somaliga Ku Hadla Lagala Socdo,Iyo Laba Computer.

Waxaana Gubashada Xafiiskaasi Kusoo Beegmay Waqtigii Ay Hawlgalka Baadhista Ah Wasaarada Ka Wadeen Hanti Dhowrka Guud Ee Qaranka,

Taasina Waa Sababta

Shaqaalaha Wasaaraddu U Aaminsan Yihiin In Maamulka Wasaaradu Ay Falkaasi Fuliyeen.Iyagoo Ka Cararaya Fashilaadda Qalabka Dhex Yaalla Xafiiska Ay Ku Sheegeen In Lagu Qalabeeyay Boqolka Kun Ee Dollar.

Waxa Kale Oo La Yaab Lahayd Kolkii Gubashadaasi Dhacday,Waxa Goobta Yimi Ciidanka Dab Damiska Oo Uu Hor Kacayo Taliyaha Ciidankaasi,Iyo Wasiir Ku Xigeenkii Amniga Oo Ahaa Wasiirkan Imika La Wareegay Xilka Wasaarada Warfaafinta.

Taliyaha Ciidanka Dab Damisku Waxa Uu Halkaasi Ka Sheegay In Falkan Gubashada Aanu Ahayn Mid Ka Dhashay Shoodh Xagga Korontada Ah,Balse Uu Yahay Gubitaan Caadi Ah.Injineeradii Dabka Wasaarada Ayaa Iyaguna Xaqiijiyay In Aanu Shoodh Ka Dhacay Xafiiska Jirin,Hadii Uu Jiri Lahaana Mishiinada Dabku Is Bakhtiin Lahaayeen.

Wasiir Kuxigeenkii Amniga Maxamed Muuse Diiriye Oo Dhegaystay Warbixintii Taliyaha Iyo Injineeradii Dabka Ee Wasaarada Waxa Uu Dareen Ka Qaatay Warbixinahaasi,Waxa Uuna Sheegay Inay Tahay Warbixintaasi Tu Ahmiyadeeda Leh,Xukuumad Ahaanna Ay Arrintaasi Iskula Noqonayaan Si Weynna Looga Baaraan Degayo Sababaha Shilkaasi.

.

Kolkii Ay Hadaba Ka Laabteen Wasaarada Wasiir Xigeenkii Amniga Iyo Taliyihii Dab Damiska Sawaaxili,

Weriyaashii Ka Duubay War Bixintaasina Ay Markaasi Gacanta Ku Hayaan Oo Habaynayaan Warkii Laga Duubay Madaxda Goobta Timi Iyo,Waxaa La Yaab Iyo Amakaag Ahayd Inuu Wasiir Guri Barwaaqo Amar Kusoo Bixiyay Inaan Warkaasi Wasiir Ku Xigeenka Amniga Iyo Taliyaha Dab Damiska Telefiiishanka Iyo Idaacada Midna Laga Sii Deynin,Oo La Joojiyo.

Amarkan Oo Maamulka Wasaaradu Faray Agaasimihii Tvga Muuse Jaambiir,Waxa Uu Isaguna Usii Gudbiyay Weriyaashii Hawshaasi Waday.

Sidaasi Ayaana Lagu Baajiyay Warkii,Iyadoo Weliba Amarkaasi Loogu Sii Daray Inay Ka Tir Tiraan Video Gaasi Computerka Lagu Shubay Gebi Ahaan, Iyagoo Intaasi Raaciyay Inay Weliba Sii Dhaafiyaan Recycle Binka.

Warkii Sidaasi Ayuu Ku Baaqsaday Ilaa Imikana Shaqaalaha Wasaaradu Ma Fahmin Ujeedada Madaxda Wasaaradu U Joojinayeen Warkaasi.

Taasina Waa Arrimaha Dhaliyay In Shaqaalauhu Qaataan Dareenka La Xidhiidha In Falka Gubashadu Ahaa Mid Ka Yimi Dhinaca Maamulka Wasaaradda,

Idaacada;

Wasiirku Wuxuu Madasha Xil Wareejinta Ka Sheegay In Qof Aan Aqoon U Lahayni Isku Deyey Inuu Shido Idaacadii Weynayd, Kadibna Ay Sidaasi Ku Fadhiisatay,Waxaan Filayaa Inuu Wedhahaasi Kolkuu Lahaa Wasiirku Dadka Caqligooda Ku Gefay,Dadkii Dhegaysanayay Runtii Kama Uusan Xishoon,Maxaa Yeelay Waxa Uu Ahaa Hadal La Odhan Karo Waa Iska Dheh Uun.

Balse Jawaabta Oo Koobani Waxay Tahay,Goobta War Laliyaha Idaacddu Yaallo,Loomaba Ogola Mana Geli Karaan Dadka Aqoonta U Leh Ee Iyagu Sida Khaaska Ah Uga Hawlgala Cid Aan Ahayn.(Qodoka Ugu Horeeya Ee 1aad Xeerka Shaqada Wasaarada).

Cida Gasha Goobtani,Istaadha,Furaheedana Haysata Waa Keliya Dhowrka Qof Ee Shiftiga Ka Gala Halkaasi,Waxaanan Ku Dhaaran Karaa Iska Dhaaf Shaqaalihii Danbe’e,Rag Iyo Haween Ka Hawl Gelayay In Ka Badan 30 Sano Ayaan Arkin Gudaha Goobtaasi Iyo Muuqaalkeegu Sida Uu U Eg Yahay.

Inuu Beenaale Yahay Ex Wasiir Guri Barwaaqo Waxa Qof Kasta Oo Caqligiisu Sax Yahay Markhaati Ugu Filan,Idaacada Weyni Waxay Fadhiisatay Bishii May Ee 2018kii,Waxaa Haatan Laga Joogaa Xiligaasi 11 Bilood.

Hadii Uu Run Sheegayo Muxuu Talaabo Uga Qaadan Waayay Ee U Sheegi Waayay Cidda Uu U Aanaynayo Inay Aqoon Darro Awgeed U Fariisisay Idaacada,Inta Uu Imika Wasiirka Cusub Ku Odhanayo Warqadii Qofka Falkaasi Ku Eedaysani,Waxay Kuu Tallaa Miiska,Ee Talaabo Ka Qaado.

Si Kastaba Ha Ahaatee Waxa La Gudboon Hogganka Sare Ee Dalka Inay Fal Denbiyeedyada Caynkaasi Ahaa Ee Ka Dhacay Wasaarada Iyo Hanti Boobkii Axmaqnimada Ahaa, Ee Ay Ku Kaceen Wasiirka Iyo Maamulka Lacagtu, Shacbiga Laga Qanciyo Halka Ay Sal Dhigteen.

Isla Markaana Nimankani Inta Ay Imika Dhow Yihiin Ee Aanay Fogaanin,Cadaalada La Horgeeyo.Xaalkuna Aanu Noqon Lacag La Cunay Oo Aan Haatan Waxba Ka Noolayn,Balse Xoogga La Saaro Sidii Su’aalo Looga Weydiin Lahaa Hantidaasi Halka Ay Dhigteen,Ama Cidda Ay U Dhiibteen,Iyo Haddii Ay Hanti Ma Guurta Ah Ku Iibsadeen Sida:Dhul,Beero,Gaadiid,Badeecado Ganacsi Ama Dhismayaal Si Qasnada Dawladda Loogu Soo Celiyo Hantida Umadda.

Cabdi Xirsi Aadan……..Hargeisa

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker