Dab Qabsaday Huteel ku yaala Istaanka Basaska U baxa Xaafada New Hargeysa

Dab Qabsaday Huteel ku yaala Istaanka Basaska U baxa Xaafada New Hargeysa

Ciidanka Dab-demiska Caasimada Hargeysa ayaa habeenimadii xalay Abaaro 4:00Am damiyay dab weyn oo Qabsaday Hotel hurdo oo ku yaala Istaanka basaska agagaarka Masjid Jaamaca gaar ahaan kuwa u baxa xaafada new hargeysa ee Magaalada Hargeysa.

Dabkan oo ahaa Dab aad uwayn ayaa ilaa hadda aan sababin khasaare nafeed, hasayeeshee wuxuu sababay dhaawacyo kala duwan waxaana ku dhaawacmay 11qof oo ahaa dadwaynihii hurday goobtaas Ciidanka Dab-demiska oo u gurmaday goobtaas ayaa soo samata bixiyey dadwaynihii ku xanibnaa goobtaas sidoo kale Ciidanka ayaa dabkaas ku xakameeyay halkii uu ka bilaabmay, iyadoo xawaaraha fiditaanka dabkaasi uu ahaa mid aad u dheeraynaya, ayaa ciidanku Xakameeyeen dabkaa, kana badbaadiyeen meheradihii, gaadiidkii istaanka iyo ganacsiyo kale oo goobtaa ku yaalay, maadaama oo meheradani ku taalay meheradihii aanuu saamayn ku yeelan dabkii weynaa ee ka kacay suuqa Waaheen.

Taliyaha Ciidanka Dab-demiska Sareeye Guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili, saraakiisha iyo hawlwadeenada ciidanka Dab-demiska , xarumaha, gaadiidka gaar ahaan kuwa caasimada ayaa ka hawlgalay daminta dabkaas, sidoo kale ciidanka Booliska Caasimada Hargeysa ayaa dhankooda iyaguna ka qayb qaatay hawlgalka.

Gabagabadii hawlgalkan ayaa ku dhamaaday guul iyadoo Ciidanka Dab-demisku ku guuleysteen daminta dabkaas. Sababta dabkan gubtay ayaa waxaa gacanta ku haya baadhisna ku wada Ciidanka Booliska, kuwaasi oo xaqiijinaya sababta dhabta ah ee uu dabkaasi ka dhashay.

Ugu dambayn ciidanka dabdemisku wuxuu bulshada u dirayaa inay ka waantoobaan goobaha hawlgalda ee ay ku soo buuqayaan, sidoo kale ka taxadaraan khatarta dabka, gaar ahaan goobaha ganacsiyadu ay soo dhigtaan damiyaasha yar yar ee lagu bakhtiiyo dabka.

Muwaadin Hadii aad masiibo dab la kulanto soo wac Lambarka Gurmadka Deg-dega ah ee Ciidanka Dab-demiska 990.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker