Mareykanka Oo Saldhig weyn ka dhisanaya Duleedka Muqdisho

Ciidamada Kumaandoosta Soomaaliya ayaa lagu tababaraa Xerada Belidoogle Ee Gobolka Shabellaha Hoose, Waa buqcada ugu weyn ee lagu tababaro Ciidanka Soomaaliyeed oo saraakiisha mareykanka casharada bixiyaan.

 

Waa xero aad loo ilaaliyo iyadoo dhowr mar al shabaab ay beegsadeen hujuumkii udambeeyeyna ay gaadiid ismiidaamin ah ku qaadeen 30 November 2019.

Ciidanka xeradaas kusugan waa kuwo aad loo tababaray waxay ka qeyb qaataan weerarada gaarka ah ee lagu qaado Deegaanada ay maamulaan Al Shabaab.

 

Taliska Mareykanka Qaarada AFRICOM waxay ka baaraan degayaan sidii saldhig uga sameysan lahaayeen meel.ku dhaw Muqdisho.

Si loo kordhiyo taageerada Ciidanka Ee Dawlada Soomaaliya ayaa waxa USA raadineysaa in xero la mid ah tan Turkida Ka furtaan Duleedka Muqdisho.

 

Deegaanka gal galato ilaa aagga Cisaleey ayaa sahmin laga soo sameeyey dhawaan oo khubaro ameerikaan ku tageen.

Ma aysan sheegin inay ku qanceen meelihii ay soo sahmiyeen iyo in kale hase ahaatee Warqaad ayaa ogaaday in Xero ciidan badan lagu tababari Karo laga furo meel wax yar ujirta Caasimada Muqdisho.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker