Idaacada VOA oo Noqotay Meel Somaliland Laga Weeraro & Mooganaanta Xukuumada & Shacabka Reer Somaliland.

Idaacada VOA ee ah mid ku taala dalka Mareykanka isla markaana xukuumadii Mareykanku ay u sameysey inay u adeegto ummada Soomaaliyeed oo dhan ayaa ilaa iyo intii ay jirtey waxay noqotay mid ka leexata ujeedadii loo asaasay isla markaana la majaro habaabiyey,

 

 

Idaacadu waxay si gaar ah weerar joogto ah ugu haysaa dalka Somaliland iyadoo ay ku furan tahay canshuurta laga qaado boqolaal kun oo qof oo reer Somaliland ah oo ku nool dalka Mareykanka iyadoo taasi jirto ayaa hadana shaqaalaha ka shaqeeya qaar kamida ay idaacadaa loo dhiibey ay u adeegsadaan dano gaar ah & weerar ay ku qaadaan qaar kamida ummada Soomaalieed,

 

 

Hadaba waxaan tusaale u soo qaadaneynaa kadib markii uu soo baxay xanuunka COVID 19 marka ay ka waramayaan waxay idaacadu ciwaan weyn uga dhigtaa WARARKA SOOMAALIYA iyagoo iska indha tira inay la hadlayaan dadka Soomaaliyeed ee degen shanta gobol ee Soomaalidu kala degto ee kala ah SOMALI & NFD & SOMALI GALBEED (kILILKA SHANAAD ETHYIOPIA & SOMALILAND & jABUUTI,

 

Idaacadu waxay tahli kari weydey inay ummada u muujiso inay tahay idaacad Soomaaliyeed isla markaana ay ahayd inay ciwaankooda ka dhigaan (Wararka Soomaalida), iyadoo su,aasha halkaa kasoo baxaysaa ay tahay horta idaacadu ma waxay la hadashaa dalka Soomaaliya oo keliya mise Soomaali oo dhan, taana waxaa looga baahan yahay maamulka idaacadu inay ka jawaabaan,

 

 

Arinta kale ee warbaahinta & idaacada VOA labada waji gabaxa ku ah ayaa ah in marka ay ka hadlayaan wararka xanuunka COVID 19 ee Somaliland ay ku daraan rirada ay soo saaraan xukuumada Somaliya ee Muqdisho, Idaacada oo ah mid looga baahan yahay in heerkeedu aad u sareeyo waxaa la weydiinayaa Xukuumada Soomaaliya ma waxaa u joogga Somaliland wasaarad u soo tabisa tirada dadka uu xanuunku ku dhacay ee Somaliland. taa jawaabteedu waa MAYA, Hadaba xukuumada Somaliya waxay kasoo xigataa wararka xanuunka Covid 19 ee Somnaliland warbaahinta Somaliland markaas ayey ku darsadaan tirada ay iyagu haysteen, Hadii ay xukuumad Soomaaliya ay sidaa sameyso oo ay ku doodeyso inay iyadu maamusho Somaliland su,aasha la isweydiinayo ayaa ah idaacada VOA ma waxay dadka u soo gudbinaysaa wararka & tirada xukuumada Somaliya ay kasoo qaataan website yada ama mareegaha reer Somaliland,

 

Arintaasi waxay waji gabax ku tahay idaacada oo ay ahayd in dadka ay u soo gudbiyaan warar ay iyagu xaqiijiyeen laakiin taa waxaa ka duwey siyaasada dheeliga ah ee ay ku dhaqmaan qaar kamida wariyayaasha idaacada oo dano gaar oo ay iyagu leeytihiin dhaafsaday ujeedadii & sharftii idaacada VOA,

 

 

Hadaba Wariyayaasha arintan wata ee hirgeliya mashruucan lagaga soo hor jeedo Somaliland ee ka socda idaacada VOA waa wariyaha lagu magacaabo Haaruun Macruuf oo isaga ay u wakiilatay xukuumada Soomaaliya inuu wararkaa jacburka ah ee aan xaqiiqda ahayn uu kasii daayo idaacada VOA, Haaruun Macruuf wuxuu mashruuc kusoo qaatay inuu idaacada VOA uu ka dhigo meel uu kula dagaalamo Somaliland isla markaana uu kasii daayo wararka & tirada dadka uu xanuunka Covid 19 uu ku dhacay ee Somnaliland oo ay sheeganeyso xukuumada Soomaaliya oo iyaduna tiradaa kasoo xigatay websiteyada Somaliland, Haaruun Macruuf wuxuu si toosa uga sii daayaa idaacada wararka ay soo daayaan idaacadaha Muqdisho iyadoo aad looga yaaban yahay wararka uu kasoo Copy gareeyey idaacadahaa gudaha taasoo hoos u dhigtay meeqaamkii idaacada VOA, halka ay ka ahayd inuu baadhitaan ka sameeyo isla markaana uu dadka u soo daayo warar ay iyagu xaqiijiyeen ee beenta ka hufan & nacayd,

 

Ugu danbeyntii xukuumada Somaliland waxay aad u mooggan tahay dhagarta wariye Haaruun Macruuf & Idaacada VOA oo ay ahayd inay ka dacweeyaan dalka Mareykanka oo idaacadan u furay Soomaalida oo dhan & in danahooda lagaga shaqeeyo, Xukuumada Somaliland waxay aad isugu mashquulisaa xadhiga & Ujawaabida inamada wariyayaasha ah ee reer Somaliland oo aan sameynin khalad weyn oo la taaban karo halka ay ahayd inay u jawaabaan idaacada VOA & wariye Haaruun Macruuf oo cadeystay cadownimada uu hayo dadka reer Somaliland,

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker