Qoys ay Mastaafurisay Dawladda Australia oo haddana diyaaridii ay Saarnaayeen lagu amray inay degto

Dadka u ololeeya xuquuqul insaanka ee dalka Australia ayay u suuro gashay inay hakiyaan tarxiilkii saqde dhexe ee lagula kacay qoys magan-gelyo doon ahaa una dhashay dalka Sri lanka.

Tallabaadan ayaa waxay suuragelisay in markii ay hawada galeen Nadesalingam, Priya iyo labadooda gabdhood lagu amray inay diyaaraddoodii lagu amro inay caga dhigato ka hor inta aynsan gaadhin dalka Sri Lanka oo loo musaafurinayay.

Kiiska qoyskan ayaa cadho badan ka dhaliyay dalkaasi tan iyo bishii Maarso ee sannadkii tagay markii ay maamulku si khasab ah uga saareen gurigoodii oo ku yaalay Queensland.

Australia ayaa waxay Jimcihii difaacday go’aankeeda ay ku tarxiilayso qoyskan iyadoo ku doodeyso inaysan ahayn dad qaxooti ah.

Racfaanada dhanka sharciga ah ee isdaba joog ahaa ayaa sidoo kale guul dareystay.

Waalidiinta qoyskan oo lagu magacaabo Nadesalingam iyo Priya ayaa ku kulmay, iskuna guursaday dalka Australia ka dib markii ay ka soo carareen dagaalkii sokeeye ee ka dhacay dalkaasi Sri Lanka. Labadooda gabdhood ee Tharunicaa iyo Kopika ayaa labaduba ku dhashay dalka Australia.

Taageerayaashooda ayaa ku doodayay inay la kulmi karaan cadaadis haddii lagu celiyo dalka Sri Lanka sabatoo ah waxaa loo aaneyn karaa saameyntoodii siyaasadeed ee hore.

Qoyskan ayaa muddo Saddex sannadood ah ku noolaa magaalo yar oo lagu magacaabo Biloela ka hor inta aan bishii Maarso ee sannadkii hore si khasab ah loo geyn xarumaha dadka lagu hayo.

Jimcihii ayaa waxay maxkamad federaal ah go’aamisay in ilaa Arbacada soo socota aysan dowladda tarxiili karin gabadha u yar reerka.

Sidee iyagoo hawada ku jira ay u suurogashay in la joojiyo musaafurintooda?

Dibedbaxayaasha ayaa habeenkii Jimcaha gaadhay Gegida diyaaradaha ee Melbourne, ka dib markii ay ogaadeen inay musaafurinta qoyska ay saacada uun ka dhimantahay.

Ka dibna diyaaradii ay qoysku saarnaayeen ayaa hawada gashay, balse nasiib wanaag intii ay hawada ku jireen ayaa qareenadoodii ku guleysteen kiiska gabadha yar oo ah in ilaa Arbacada aan la musaafurin karin,

waxuuna garsooraha maxkamadda uu amar ku bixiyay in diyaaraddaasi ay khasab tahay inay ku dagto gobolka ugu dhow, waxaynay caga dhigatay magaalada Darwin ee ku taalla waqooyiga dalkaasi Australia.

Muuqaallo iyo sawiro lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayay qoyska oo ay diyaaradda ka soo dajinayaan ilaaladu.

Angela Frederick oo saaxib dhow la’ah ayaa BBC-da u sheegtay in qoysku
la dhibaataysnaa Oohinta gabdhahooda yaryar ee Gudaha diyaaradda,
halka hooyadood Priya-na loo diidey inay caruurteeda la fadhiisato.

Jimcihii dad badan oo reer Australia oo ay ka mid yihiin xildhibaano ayaa caro ka muujiyay dhacdadaan, iyagoo adeegsanayay baraha ay bulshada kuwada xiriidho.


home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker