Kulan Maanta Dhexmaray Raysal-wasaare Mahdi Guulleed Iyo Guddoomiye Cabdi Xaashi Oo Natiijo La’aan Ku Dhammaadday

Kulan maanta ku dhex maray magaalada Muqdisho Guddooniyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi iyo Raysal Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Guuleed, ayaa lagaga wada hadlay khilaafkii ka taagnaa doorashada xildhibaannada gobollada Woqooyi.
Mahdi Guuleed ayaa Cabdi Xaashi usoo jeediyay in uu soo magacowdo 3 xubnood oo ka mid noqda Guddida Doorashada ee Gobollada Woqooyi, balse Cabdi Xaashi ayaa arrintaasi ka biyo-diiday.
Guddoomiye Xaashi ayaa isaguna dhankiisa soo jeediyay in la magacaabo guddi cusub oo horjoogtaysa maamulka Doorashada xildhibaannada gobollada Woqooyi.
Ugu dambeyntii, waxaa kulankaasi uu ku dhammaaday natiijo la’aan, iyadoo arrinta khilaafka doorashada Gobollada Woqooyi la filayo in go’aan lagaga gaadho shirka Dhuusamareeb.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker