Dacwad oogayaasha Turkiga oo dalbaday in 6 sano lagu xukumo wiilka madaxweynaha Soomaaliya

Dacwad oogayaasha dalka Turkiga ayaa diyaariyay dacwad ka dhan ah wiilka uu dhalay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, kuwaas oo dalbanaya in lagu xukumo lix sano oo xabsi ah, kaddib shil baabuur oo uu ku dhintay muwaadin Turkish ah.

Eedeynta uu diyaariyay xafiiska xeer ilaaliyaha Istanbul, ayaa lagu sheegay in wiilka madaxweynaha uu yeeshay qaladka ugu weyn ee shilka sababay dhimashada muwaadin u dhashay dalka Turkiga, oo ahaa darawal mooto, kaasoo u geeriyooday dhaawac culus oo kasoo gaaray shilkaas.

Warbixin ay dhawaan soo saartay Hay’adda Cilmi baarista Turkiga ee ATK oo ku saleysan muuqaal laga duubay shilkan, ayaa lagu ogaaday in wiilka madaxweynaha uu ugu horrayn lahaa qaladka shilka, sababtoo ah ma uusan joojin gaariga markii loo baahnaa, mana samaynin masaafo badbaado leh, taasoo keentay inay isku dhacaan gaarigiisa iyo mootada Göçer.

Quburadu waxa kaloo meesha ka saareen in Emre Göcer jirkiisa laga helay wax daroogo ah.

Dhawaan, wasaaradda caddaaladda Turkiga ayaa sheegtay in wiilka madaxweynaha oo hadda baxsad u joogo dalka Imaaraatka sida ay sheegayaan warbixinnada, laga sugayo inuu yimaada Turkiga, si uu u wajaho maxkamad.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker