Dowladda Soomaaliya Oo Xaqiijisay kiiskii ugu horeeyay ee Coronavirus in laga helay Dalka
Dowladda Somaliya ayaa waxa ay xaqiijisay kiiskii ugu horeeyay ee Coronavirus in laga helay Somaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho.
Wasiirka caafimaadka Xukuumadda Somaliya Fawsiya Nuur Abiikar oo la hadashay Warbaahinta dowladda, ayaa waxa ay sheegtay in la helay kiiskii ugu horeeyay.
Muwaadinka kiiskaan laga helay, ayaa waxa uu ka yimid dalka dibadiisa, waxaana ay intaasi ku dartay in lagu karantiilay goob dadka lagu baxnaaniyo oo dowladda ugu talo gashay.
Wasiirka Caafimaadka Somaliya, ayaa waxa ay sheegtay inay ku dadaalayaan daryeelka muwaadinkaasi Somaliyed ee laga helay xanuunka Coronavirus.
Somaliya oo ah dal ka soo kabsanaya dagaalo Sokeeye, ayaanan laheyn daryeel caafimaad oo aad u wanaagsan, marka loo eego tayada dhaqaatiirta & qalabka kala duwan ee dalka yaallo ee dhaqaatiirta isticmaalaan.
Waa kiiskii ugu horeeyay ee Coronavirus ee laga helay Somaliya, xilli dalalka deriska la,ah Somaliya laga helay kiis lala xiriira caabuqan.