Maansada Dar-Daaran W/Q Cabdirisaaq Axmed Cigaal (Darwiish)

Maansadan waa mid kamid maansooyinka waanooyinka wax ku oolka ah ku jalbeebiya umada soomaliyeed.
Waxay umada si guud u siinaysaa dardaaran hor-leh kaas oo dhinacyo kala gedisan taabanaya aduun iyo aakhiraba, horumarka dunida aan guudkeeda saaranahay iyo sidii aan wax uga qabsan lahayn, iyo sidoo kale u tabaabushaysiga geediga hayaanka ah ee aakhiro ee lama huraanka ah.

Maansadan waxa curiyey cabdirisaaq axmed cigaal(darwiish) waxaanu yidhi isagoo arimahaa si dareen taabad leh usoo banbixinaaya:
Ha u diririn duunyada
Ha ku daalin daaraha
Ha u dansheegan waayaha
Hana dayicin diintiyo
Dacwadii rasuulkiyo
Daakiraada subixiyo
Eebihii kuu duurbiday
Cibaadadiisa doorka ah
Dunidiisa yaabka leh
Ha ku doodin cuudkiyo
Cilmi iyo daraasado
Ama dabaqyo dhaadheer
Ha u dudin weligaa
Damanaha hurdaayee
Daad-xoortu qaadee
Aan dedaalin abidkii
Wehel u tahay duunyadu
Darsi weeye noloshuye
Dantaada ka ogow
Caafimaadku waa dahab
Dadka daaim saaroo
Waxa garan mid dilan
Iyo kii sariir dulyaalee
Ishu daawanaysee
Dibindaabyo ugu jira
Dumarkeena qaaliga ah
Dunjigooda wanaagsan
Xilaheena deeqda leh
Yaan wax daw-dhaafiyo
Deelqaaf la odhanin
Kii dulaystayoow maqal
Dambi kamaad yaabine
Dameerkuba ma yeeleen
Halkaad talo u doorbiday
Duunyadaada gaarka ah
Deyr adag ku xidho
Yaanay kaa didine
Xoolaha dadweynaha
Daankaaga yey gelin
Uurkaaga ha daajin
Dabaqyada cadaabaha
Dirirteeda ka fogow
Duulaanka sokeeyaha
Daandaansi ka dhowrso
Qaarbaa loogu dawgalee
Dulqaadkana ha saydhin
Iyo daacadnimada caynkeed
Jaarka deriskaagana
Xaq dhowr ugu dedaal
Digtoonaada weligiin
U dedaala aakhiro
Duni joogi maynee
Duunyada xageedana
Danihiina ka adkaada
Hore u kaca doona
Saboolnimada diida
Risiqiina u doonta
Degalkiina hodanka ah
Soo saara dalagiyo
Dahabkiyo naxaastiyo
Diisalkiyo batroolkiyo
Ama deemantiyo luulkiyo
Diisha faqriga tuura
Qaadkaad daainteen
Degelkiinii ba’shee
Daciifnimo idiin saaray
Duunyadiinii lunshee
Eyro iyo geelba loo duubay
Aakhiradiinii ku duulay
Digtooni u lahaada
Dubaaqiina ka saara
Daryeel idiin mahayee
Qabyaaladan dulaysan
Ku kala durkay xigaalkii
Xididna aan loo doorbidin
Inta aabo loo duugay
Inta loo gawracay wiil darban
Inta dumar asay qaaday
Inta hooyo goblan daaray
Inta loo kala dhacay duunyo
Inta soomaali isu diiday
Inta horumarkii loo daayey
Inta calankii loo duugay
Doqoniimo loo qaatay
Sharaftiina loo dayacay
Gumaystaha dabaalka ah
Degelkeena loo siiyey
Dawgiisa loo marinin
Dar allee qabyaalad weeye
Ka digiigaxda weligiin
Hideheena duuga ah
Dhaqankeena doorka ah
Suugaanteena deelka ah
Duunyadeena gaarka ah
Hiigsigeeda deeriyo
Yaan dawgeeda laga tegin
Laga dooran qaar kale.

 

 

Waxa Qorey: Cabdirisaaq Axmed Cigaal (Darwiish)
Cabdirisaaqdarwiish72@Gmail.Com Ama 0634240189.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker